Willian Oo Fariin Ka Helay Halyeeyga Chelsea Ee John Terry Ka Hor Inta Uuna Dhamaystirin Ku Biiristiisa Arsenal.

Willian ayaa fariin ka helay xiddigii hore ee ay isku kooxda ahaayeen ee John Terry ka hor inta uuna ku biirn Arsenal.

Xiddiga reer Brazil ayaa ku dhaw in uu ku biiro kooxda Arsenal kadib markii uu xaqiijiyay in uu isaga tagayo Stamford Bridge.

Inkasta oo uu 11 gool dhaliyay 47 gool xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyay 32 jirkan ayuu doortay tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta si uu ugu xoojiyo weerarkiisa.

Xiddiga ayaana haatan fariin ka helay Terryoo ah kabtankiisii hore kana garab ciyaaray 4 xilli ciyaareed intii uu Willian joogay Chelsea.

Terry ayaa bogiisa Instagram ku soo qoray”Nasiib wacan Willian”.

“Halyeey dhab ah, Ciyaartoy fiican iyo qof fican, waan kuu xiisi doonaa”.

Willian ayaa saftay 350 kulan oo tartamada oo ah ah isaga oo koobab badan kula guulaystay 7-dii sano ee uu joogay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*