Willian Mise Philippe Coutinho? Martin Keown Oo Arsenal U Sheegay Xiddiga Ay Tahay In Ay La Soo Saxiixdaan.

Martin Keown ayaa aaminsan in ay Arsenal ku saxsantahay in ay muhiimada siiso saxiixa Willian Marka loo bar-bar dhigo Philippe Coutinho waxana uu sheegay 3 sabab.

Gunners ayaa doonaysa in ay xoojiso kooxda xagaagan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub iyaga oo doonaya in ay u tartamaan boosaska champions League.

Kooxda ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay lala xidhiidhinayaa saxiixa xiddigaha Philippe Coutinho Iyo Wilian laakiin wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay Arsenal isaga hadhay baacsiga Philippe Coutinho muhiimadana saartay in ay la soo saxiixato Willian oo uu heshiiskiisu dhici doono xagaaga.

Keown ayaana rumaysan in sabab la xidhiidha in uu Willian khibrad fiican u leeyahay premier League una baahnayn in uu Raadsado meel uu dago waliba yahay xiddig heer sare ah in ay tahay 3-da sabab ee ay Arsenal isaga hadhay Philippe Coutinho una doonayso Willian xagaagan.

“Philippe Coutinho Waxa lala xidhiidhinayay cid walba sida muuqata xaqiiqada marka laga hadlana waxa uu u muuqdaa mid aan daganayn”ayuu Keown u sheegay Mirror sport.

“Waxan u malaynayaa in uu Willian yahay saxiixa ka fiican Philippe Coutinho, sababta oo ah waxa uu ku noolyahay caasimada, waxa uu si fiican u garanayaa premier League waana xiddig qaab fiican ku jira”.

Sii AKhriso: Qarax Weyn Oo Ka Dhacay Saldhig Ciidan Oo Ku Yaala Magaalada Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*