Willian, Dembele, Sancho, Grealish, Chilwell, Sanchez & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa si Rasmi ah Albaabada loogu furay suuqa kala iibsiga xagaaga kaas oo ay kooxuhu haatan samayn karaan saxiixyada xiddigaha ay doonayaan.

Xagaagan oo noqon doona midka ugu dheer taariikhda suuqa kala iibsiga ayaa noqon doona sidoo kale mid aad uga duwan suuqyadii hore marka laga hadlo dhanka lacagaha.

Kooxaha ayaa haatanba la daalaa dhacaya dhaqaale xumo uu sabab u noqday xanuunka Korona sidaas darteed kooxaha ayaa si taxadar leh u gali doona suuqa xagaaga iyaga aan sidii hore suuqa lacag waali ah u galin doonin.

Sidoo kale suuqa xagaagan waxa aan ku arki doonaa dabeecado cusub sida isku badalashada xiddigaha iyo waliba in la badiyo heshiisyada amaahda ah.

Hadaba kooxda.com oo caan ku ah in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararka suuqa ugu dambeeyay iyo waliba kuwa ugu xasaasisan halkan ku soo bandhigi doontaa wararki ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Xiddiga garabka uga ciyaara Chelsea ee Willian ayaa iska diiday heshiis 2 sano ah oo ay chelsea u soo bandhigtay isaga oo xor ugu biiri doono Arsneal xagaaga (Guardian).

Kooxda Arsenal ayaa sidoo kale doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Philippe Coutinho iyo xiddiga Atletico Madrid ee Thomas Partey (Times).

Weeraryahanka kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa maamulka kooxdiisa u sheegay in ay la soo saxiixdaan xiddiga Kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele (Le10 Sport).

Kooxda Man United ayaa ku dhaw in ay heshiis 5 sano ah kula soo saxiixato xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho (Mail).

Man United ayaa ilaa dhamaadka suuqa kala iibsiga xagaagan sugi doonta si ay u dhamaystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Aston Villa ee Jack Grealish (Mail).

Kooxaha Inter Milan iyo Man United ayaa ka heshiiyay saxiixa xiddiga Alexis Sanchez kaas oo toos ugu biiri doona Inter Milan (Corriere della Sera).

Tababaraha Lampard ee Frank Lampard ayaa 5 daafac suuqa dhigay si uu dib u dhis ugu sameeyo boosaska dambe ee kooxdiisa waxana uu doonayaa daafaca Leicester City ee Ben Chilwell (Times).

Kooxda chelsea ayaa loo sheegay in ay Chilwell ka dhigto daafaca ugu qaalisan taariikhda suuqa hadii ay doonayso saxiixiisa (Mirror).

Kooxda chelsea ayaa u dhaqaaqi doonta daafaca Bidix ee kooxda Real Madrid ee Sergio Reguilon hadii ay waydo Chilwell (Sky Sport).

Kooxda Liverpool ayaa dalab 9 milyan ah ka gudbisay daafaca kooxda Real Betis ee Aissa Mandi (Liverpool Echo).

Liverpool ayaa dhamaystir doonta saxiixa daafaca Aissa Mandi inta lagu jiro todobaadka dambe (beINSPORTS).

Kooxda Barcelona ayaa Arsenal u sheegtay in ay diyaar u yihiin in ay ka iibiyaan xiddiga Ousmane Dembele hadii ay dalab fiican miiska saaraan (Don Balon).

Kooxda Bayern Munich ayaa isaga hadhay xiisihii ay u qabtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Kai Havertz (FAZ).

Kooxda Arsneal ayaa saxiixa Willian ku dhawaaqi doonta kadib marka chelsea laga reebo Champions League (ESPN).

Sii Akhriso: XASAASI: Dalka Shiinaha Oo Watfi Culus U Diraya Somaliland & Sababta Oo La Ogaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*