
Xilli ciyaareedka cusub ee 2020/2021 ayaa bilaaban doona bisha September iyada oo maalmo kala duwan bilaaban doonaan 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub.
Waxa la filayaa in ay kooxo badan isku dayaan in ay si xor ah ku keenaan xiddigo cusub marka loo eego in uu xagaagan jiri doonin lacagtii waalida ahayd ee suuqa la galin jiray.
Laakiin Arintaas ayaan la macno ahayn in aan suuqa laga heli doonin xiddigo heer sare ah kuwaas oo waliba lagu heli karo lacag la’aan.
Wargayska Sun Sport ayaa shax cajiib ah ka diyaariyay shaxda cahiibka ah ee xiddigaha sida xorta ah haatan u yaala suuqa kala iibsiga.
Be the first to comment