William Saliba Oo Weerar Ku Qaaday Mikel Arteta Kadib Markii Uu Isaga Tagay Kooxda.

Xiddiga ka baxsaday Arsenal ee William Saliba ayaa sheegay in uuna Mikel Arteta siin fursad uu isku muujiyo markii uu tababaraha u noqday Arsenal.

Xiddiga 19 jirka ah ayaa amaah ugu biiray kooxda Nice kadib markii uu ku fashilmay in uu kulan Rasmi ah u ciyaaro kooxda xilli ciyaareedkan.

William Saliba ayaa isla markiiba ku bilowday shaxda kooxdiisa cusub kulan ka tirsanaa horyaalka Ligue 1-ka France.

Xiddiga William Saliba oo la hadlaya saxaafada ayaa yidhi”Tababaruhu waxa uu isla markiiba ii sheegay in aanan diyaar u ahayn kooxda 1-aad laakiin waxa aan jeclaa in aan helo fursad aan isku muujiyo waana sida ay kubadu tahay”.

Saliba ayaa 80 daqiiqo ciyaaray kulankii ay kooxda Nice guuldarada kala kulantay kooxda Brest kulan ka tirsanaa horyaalka France.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*