William Saliba Oo Sheegay In Sababta Uuna Doonayn In Uu Ugu Laabto Arsenal.

Daafaca kooxda Arsenal ee William Saliba oo amaah ugu qaatay kooxda Marseille xilli ciyaareedkan ayaa sheegay in uuna doonayn ku laabashada kooxdiisa Arsenal xagaaga marka ay dhamaato heshiiskiisa amaahda ah.

Arsenal oo aan wax fursad ah siin xiddiga Saliba ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Marseille xilli ciyaareedkan.

Saliba ayaa Marseille ka caawiyay in ay u soo baxaan champions League xilli ciyaareedka dambe xilli ay Arsenal ku fashilantay in ay u soo baxdo tartanka.

Xiddiga reer France ayaa sheegay in uu doonayo in uu sii joogo kooxda Marseille si uu uga qayb qaato tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe.

Saliba oo arintaas ka hadlay ayaa yidhi”Waxa aan doonayaa in aan ku soo laabto Marseille si aan uga qayb galo champions Leageu”.

“Waligay kama ciyaarin champions League sidaas darteed waxa aan doonayaa in aan u ciyaaro Marseille tartanka”ayuu sii raaciyay.