
William Saliba ayaa aaminsan in goolasha Viktor Gyokeres ay soo afjari doonaan abaarta koobabka ee Arsenal.
Tababaraha Gunners Mikel Arteta ayaa todobaadkii hore ugu dambayn gacanta ku soo dhigay weeraryahankii uu doonayay iyada oo Gyokeres uu ku biiray heshiis ku kacaya 64 milyan oo euro.
Gyokeres ayaa qarka u saaran inuu safto kulankiisii ugu horeeyay isbuucaan iyada Arsenal la ciyaari doonto Tottenham kulanka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub, waxaana uu ku qaatay maalmihiisii ugu horeysay sidii uu u baran lahaa saaxiibadiisa.
Saliba ayaa horeba khibrad u leh inuu ka horyimaado Gyokeres Champions League xilli ciyaareedkii hore, waxaana uu ku kalsoon yahay in gooldhaliyaha weerarka uu ku guuleysan doono koobkii ugu horreeyay ee Arsenal lix sano gudahood.
“Waan ognahay sida uu u fiican yahay, waa wax laga cabsado in laga hortago,” Saliba ayaa u sheegay suxufiyiinta.
“Dabcan, aad ayaan ugu faraxsanahay inaan isaga ku haysto kooxdeyda, waxaana hubaa inuu naga caawin doono inaan badino ciyaaraha oo aan koobab ku guuleysano”.
Be the first to comment