William Saliba Oo Kashifay Sababtii Uu Ugu Soo Biiray Arsenal.

Xiddiga kooxda Arsenal ee William Saliba ayaa qirtay in uu jeclaaday matalida Arsenal oo ayna macquul ahayn in uu iska diido inkasta oo ay kooxdu dhibaatoonaysay sanadihii ugu dambeeyay.

Mikel Arteta ayaa horumar weyn ku sameeyay kooxda dhanka qaab ciyaareedka tan ilaa markii uu noqday tababaraha kooxda bishii December isaga oo geeyay Final-ka FA Cup-ka inkasta oo ay tartamada yurub u badantahay in ay seegtp.

Arsenal ayaa xilli ciyaareedkii 4-aad oo xidhiidh ah seegi doonta champions League laakiin waxa ay ku guulaystay in ay hesho saxiixa xiddiga William Saliba oo aad loo qiimeeyo.

Arsenal ayaa xagaagii hore 27 milyan ka soo bixisay 19 jirka laakiin kooxdiisa u ogolaatay in ay Amaah ku haysato xilli ciyaareedkan.

“Waan jeclaaday Arsenal tan ilaa bilowgii”ayuu Saliba u sheegay L’Equipe.

“Xiddigo dhawr ah oo reer France ay ayaa u soo ciyaaray kooxda inkasta oo ayna Arsenal halkeedii lagu yaqaanay ku jirin 3 ilaa 4-tii sano ee la soo dhaafay”.

“Laakiin waxa aan kooxda ku jeclaaday taariikhda iyo taageerayaashooda waanan ka helay Arsena, kamaanan laba-labayn in aan ku biiro markii aan dalab ka helay”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*