William Gallas Oo Saadaaliyay Labada Kooxood Ee Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Halyeeyga reer France ee William Gallas ayaa saadaliyay kooxda ku guulaysan doonta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

William Gallas ayaa aaminsan in ay kooxaha Tottenham iyo Chelsea ugu cad-cadyihiin ku guulaysiga horyaalka Premier League.

Tottenham ayaa hogaaminaysa horyaalka premier League iyaga leh 20 dhibcood laakiin goolal kaga horaysa kooxda Liverpool ee difaacanaysa horyaalka.

Dhanka kale kooxda Chelsea ayaa ku jirta kaalinta 3-aad iyaga oo 2 dhibcood ka dambeeya kooxaha Tottenham iyo Liverpool.

William Gallas oo la hadlaya wargayska Mirror ayaa yidhi”Guushii Tottenham ka gaadhay Man City ayaa xaqiijinaysa waxa aan sheegayo, labada kooxood ee reer London Tottenham iyo Chelsea ayaa ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka xilli ciyaareedkan”.

“Waxa xiiso gaar ah leh kulanka Chelsea iyo Tottenham ee Axada waxana aan eegi doonaa sida ay u ciyaaraan”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*