William Gallas Oo Hal Koox Ka Saaray Tartanka Prmeier League Xilli Ciyaareedkan.

Tartanka horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan ayaa sii kululaanaya – laakiin William Gallas ayaa haatanba tartanka ka saaray koox uu horay ugu soo ciyaaray.

Bilowgii wacnaa ee uu ku bilaabay maamulaha cusub Arne Slot ayaa keentay in ay Liverpool hogaanka u hayso horyaalka kadib 14 kulan oo la ciyaaray.

Liverpool ayaa dhibco lumisay kulankii ugu dambeeyay iyaga oo bar-baro 3/3 ah la galay kooxda Newcastle United.

Arsenal iyo chelsea ayaa ah kooxaha ugu dhaw ilaa haatan iyaga oo 6 dhibcood ka dambeeya tartanka horyaalka premier Legaue.

Inkasta oo ay qaab ciyaareed cajiib ah ku bilowdeen xilli ciyaareedka hadana Enzo Maresca ayaa kooxdiisa ka saaray tartanka horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Daaficii hore ee Blues Gallas ayaa ku raacay Maresca qiimaynta awooda kooxdiisa ee haatan laakiin xiddiga reer France ayaa sidoo kale aaminsan in kooxda ka dhisan galbeedka London ay khatar weyn ku noqon doonto kooxaha kale ee la tartamaya xilli ciyaareedka dambe.

“Enzo Maresca wuu ogyahay in Chelsea aysan ku jirin tartanka horyaalka”ayuu Gallas yidhi.

“Chelsea diyaar uma aha inay u tartanto horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, waxa aan aaminsanahay in chelsea ay tartami doonto xilli ciyaareedka dambe”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga