Wijnaldum, Isco, Khedira, Lingard, Papastathopoulos & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga January iyada oo kooxaha kala duwan ee yurub ay suuqa u gali doonaan si ay u xoojiyaan kooxohooda.

Sidoo kale waxa jira xiddigo aan si joogto ah u ciyaarin kuwaas oo doonaya in ay ku biiraan kooxo ay joogto ugu ciyaaraan qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan.

Kooxda.com ayaa xusaysa in wararka aanu ka soo xiganay wargaysyada kubada cagta ee ku hor xusan wararka wax masuul ahna kama nihin.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum ayaa si cad u sheegay in uu doonayo in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Liverpool Laakiin labada dhinac ayaa wali ku kala fog nooca heshiiska xilli uu xiddiga heshiiskiisu dhici dono xagaaga (90 min).

Kooxda Liverpool ayaa wadahadalo kula jirta kooxda Lille kuwaas oo ay ka doonayaan saxiixa daafaca dhexe ee Sven Botman (RMC).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Juventus ee Sami Khedira ayaa ku dhaw in uu ku soo biiro kooxda Juventus (Mail).

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa in ay heshiis amaah ah ku keento xiddiga khadka dhexe ee Isco (Goal).

Daafaca kooxda Arsenal ee Sokratis Papastathopoulos ayaa ku dhaw in uu ka tago kooxda Arsenal isaga oo ku dhaw in uu ku biiro kooxda Fenerbahce (Takvim).

Kooxda man United ayaa heshiis hal sano ah ka saxiixatay xiddiga Jesse Lingard kaas oo uu haatan heshiiskiisu dhici doono ilaa xagaaga 2022 (Sky Sport).

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Man City ee Eric Garcia ayaa heshiis shaqsi ah oo 5 sano ah la gaadhay kooxda Barcelona (CBS Sport).

Wakiilka caanka ah ee Agent Mino ayaa meesha ka saaray in uuna xiddiga Borussia Dortmund ee Erling Haaland ku biiri doonin Barcelona (90 Min).

Kooxda Real Madrid ayaa dhankeeda ku kalsoon saxiixa xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland (AS).

Kooxda Chelsea ayaa Ac Milan kula biirtay baacsiga loogu jiro daafaca dhexe ee Mohamed Simakan (Le10 Sport).

Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay qorshaynayso in ay 100 milyan oo euro ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Harry Kane si ay ugu badalaan Sergio Aguero (Express)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*