West ham Vs Liverpool : Kooxda Garoonka Waa Iloobeen Sida Looga Badiyo Reds

Liverpool waxa ay kulankaas galeysaa iyadoo niyadda u dhisan tahay ka dib guul ay ka gareen Tottenham

Xogta Kulanka

* West Ham 9 kulan oo horyaalka ah lana ciyaartay Liverpool ayay yihiin bilaa guul , laba bar bar dhac ayay wataan iyo 7 guul darro.

* Guushii ugu dambeysay ee West Ham ka gaaraan Liverool waxa ay aheyd February 2016 xilligaas oo la joogay wareegga 4-aad FA Cup-ka

* Liverpool waa bilaa guul darro afartii kulan ee ugu dambeeysay ee ay booqatay London Stadium , sedex jeer waa badiyeen halna bar bar dhac ayay galeen

* Tababaraha West Ham ee David Moyes ayaa bilaa guul ah lix kulan oo horyaalka ah ee uu ka hor tagay Klopp ,kaliya hal jeer ayuuna guul darro ka bad baaday waana waqtigii uu joogay .Sunderland xilligaas oo bar bar dhac min laba gool ah kula galay garoonkiisa iyadoo ay aheyd January 2017

* Georginio Wijnaldum haddii kulankaas uu safto waxa ay noqoneysaa kiisi 200-aad ee horyaalka Ingiriiska

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*