Ka dib qaladaad dhanka daafaca ah , Chelsea waxa ay guul darro xanuun badan dhamaakdii ciyaarta kala kulmeen kooxda West Ham oo 3/2 ku garaacday
Sheekada ciyaarta : Chelsea iyo West Ham ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac min hal gool ah xilli kulankaas kubad haysashada ay ku badneyd kooxda Chelsea .
Chelsea kubad deg degsiimo leh ayay ciyaarayeen xilli West Ham oo daafac ku jirtay ay ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah waxa ayna Chelsea sameynayeen fursado badan oo halis ah
West Ham waxaa laga diiday gool sababo la xariira Offside xilli goolka Chelsea uu ahaa mid rogoore ku yimid waxaana daqiiqadii 42-aad dhaliyay William
Kooxda West Ham waxa ay halis ku ahaayaen kubadaha rogaal celiska ah waxa ayna heleen koorno ay ku dhaliyeen gool waxaana saxiixay Tomas Soucek daqiiqadii 45-aad
Qeybta labaad , Chelsea cadaadiskii waa ay sii wadeen balse waxaa ka muuqday in go`aanada ay qaab deg deg ah u qaadanayeen waxaana taasi badalkeeda lagu helay Chelsea gool labaad waxaana daqiiqaddii 51-aad ka dhaliyay Michail Antonio
Chelsea niyad jab kama qaadin , waa ayna halis gilinayeen West Ham kaliyana gool ayaa ka maqnaa xilli tababare Lampard uu sameeyay badalo isaga oo soo giliyay Mount oo loo saaray Kovacic waxa ayna aheyd daaqiiqadii 53-aad
Qaab ciyaareedka Chelsea waa laga filan karay gool marka la eego sida ay u weerarayeen West ham , waxa uuna tababare Lampard daqiiqadii 63-aad soo giliyay Loftus-Cheek , iyo Giourd oo loo saaray Barkley iyo Abraham
Dadaalkii Chelsea iyo cadaadiskii ay saareen Wets Ham waxaa ku yimid goolka bar bard haca waxaana Free Kick qurxoon ku dhaliyay William daqiiqaddii 72-aad
Ka dib , Chelsea goolka guusha ayay baadi goobayeen xilli West Ham iyana u dhawaanayeen gool kale marka la eego rogaal celiska halista ah ee ay sameynayeen waxa ayna ciyaarta dhamaadkii aheyd mid deg degsiimo leh
Chelsea daafac ahaan waa dayacnaayeen maadaama weerarka wad aaadeen waxa ayna Wets Ham adeegsaneysya hubka rogaal celiska illaa ay ku keeneen gool cajiib ah waxaana daiiqadii 89-aad ka dhaliyay Andriy Yarmolenko
Be the first to comment