West Ham Oo Bar-Baro Ku Qabatay Man City Kulan Xiiso Lahaa.

Kooxda Man City ayaa bar-baro la gashay kooxda West Ham kulan ka tirsanaa horyaalka premier League todobaadkii 6-aad.

Kulanka ayaa ahaa mid ay kooxda Man City maamulaysay laakiin qaybtii hore si weyn ugu dhibaatootay in ay soo taabtaan goolka West Ham.

Wiilasha Pep Guardiola ayaa iska caabin kala kulmay West Ham kuwaas oo qaadayay weeraro rogaal celis ah oo ay ku qaadayeen Man City.

Daqiiqadii 18-aad ayay West Ham dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu si qurux badan ugu dhaliyay xiddiga Michail Antonio kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Man City ayaa wax walba u samaysayy sidii ay u dhalin lahaayeen goolka bar-baraha laakiin uma suurtagalin waxana ay la kulantay difaac adag oo ay West Ham goolka hor dhigatay.

Waxa sidaas ku dhamatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay West Ham ka fiicnayd Man City qaybta horene kala bixi kartay wax intaas ka badan.

Qaybtii dambe ayay Man City ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo raadinayay goolka bar-baraha iyo in ay ciyaarta wax ka badalaan.

Isla daqiqiadii 51-aad ayay Man City dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga phil Foden kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Man City ayaa wixii goolkaas ka dambeeyay ka awood badnayd West Ham laakiin waxa ay ku fashilmeen in ay wax goolal ah u badalaan fursadihii ay helayeen.

Raheem Sterling oo sii waday caadooyinkii khasaarinta fursadaha ayaa kooxdiisa daqiiqadihii ugu dambeeyay ka khasaariyay laba fursadood oo dahab ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro 1/1 ah kulan xiiso lahaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*