Weeraryahan U Soo Ciyaaray Chelsea Oo Sheegay In Uuna Ku Dabaal Dagi Doonin Hadii Uu Gool Ka Dhaliyo Blues Kadib Fasaxa Xulalka.

Xiddigii hore ee Chelsea Willian ayaa sheegay inuusan u dabaaldegi doonin goolka uu ka dhaliyo kooxda chelsea marka uu ka hor tago kadib fasaxa xulalka.

Xiddiga reer Brazil ee Willian Ayaa ku soo laabtay premier League isaga oo ku biiray kooxda Fulham intii uu furnaa suuqii kala iibsiga xagaaga.

Willian ayaa markii ugu horaysya premier League u matalay chelsea markii uu kooxda ku soo biiray sanadkii 2013 isla markaas halkaas ku qaatay 7 xilli ciyaareedkan.

Xiddiga khabiirka ah ayaa chelsea u ciyaaray 339 kulan waxana uu dhaliyay 63 gool halka uu caawiyay 62 kale tartamada oo dhan kulana guulaystay Premier League iyo Europa league.

“Haddii ay tahay inaan ka dhaliyo iyaga, waan dhalin doonaa, laakiin ma dabaal dagi doono Hadii aan chelsea gool ka dhaliyo”ayuu yidhi.

“Sababta aanan u dabaal dagi doonin ayaa ah in aan Ixtiraam weyn u hayo kooxda waxa aan joogay 7 sano waxa aan aad u Ixtiraamayaa taageerayaasha Iyo Kooxda”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*