Weerarka Real Madrid Oo Si Xun Ku Bilowday Xilli Ciyaareedka.

Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaan si fiican ku bilaaban xilli ciyaareedka horyaalka La Liga kadib markii uu gool dhalinta kula tartamy Lionel Messi xilli ciyaareedkii hore.

Karim Benzema ayaan wax gool ah dhalin 3-dii kulan ee ugu horeeyay ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan xilli ay xiddigaha kale ee weerarka uga ciyaara Real Madrid sidoo kale ku dhibaatoonayaan dhanka goolka hortiisa.

Dhamaan 4-ta gool ee ay Real Madrid ka dhaliyeen horyaalka La Liga ayaa ka yimid xiddigaha khadka dhexe ama daafacyada iyada oo ayna Los Blancos wax gool ah dhalin kulankii Real Sociedad.

Zidane ayaa xitaa shaxdiisa badalay si ay weeraryahanadiisu goolal u dhaliyaan isaga oo kulankii Real Valladolid ku soogalay shaxda 4/2/2 sidoo kale badalay shaxdiisa kulankii ka horeeyay isaga oo weerarka ka ciyaaray xiddigaha Jovic iyo Benzema.

Laakiin xiddigaha Weerarka ee Real Madrid ayaa ilaa haatan ku dhibaatoonaya in ay saamayn ku yeeshaan qaab ciyaareedka kooxoodooda 3-da kulan ee la ciyaaray horyaalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*