
Wayne Rooney ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay waxyabaha aadka loogu baahan yahay ee ay Manchester United ku samaysay weerarkeeda, laakiin waxa uu dareensan yahay in kooxdu ay wali u baahan tahay in ay keento ‘ciyaaryahan khadka dhexe ah’ xagaagan.
Man United ayaa muujisay rabitaankeeda iyagoo dhammaystiray heshiisyada Matheus Cunha, Bryan Mbeumo iyo Benjamin Sesko si ay u xoojiyaan kooxda.
Si kastaba ha ahaatee, Red Devils ayaa wali ka shaqaynaysa sidii ay u sii xoojin lahayd kooxda ka Hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibisga xagaagan waxana ay qorshaynaysaa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Carlos Baleba.
Mar wax laga weydiiyey dhaq-dhaqaaqa Man United ee suuqa kala iibisga xagaagan.
“Waa wax si weyn loogu baahnaa, aad ayayna u wanaagsan tahay inay goor hore aqoonsadeen ciyaartoydii ay doonayeen”.
“Waxay heleen Cunha iyo Mbeumo ka dibna Sesko. Waxaan filayaa in helitaanka Sesko ay tahay saxiix muhiim ah”
‘Waa nin bartilmaameed ah, waa lambar sagaal, aad ayuu u dheereeyaa, labada cagood wuu isticmaali karaa waana ku fiican yahay hawada”
“Waxaan qabaa inay Manchester United u tahay waqti aad muhiim u ah”.
“Waxaan wali jeclaan lahaa inaan arko iyagoo la soo wareegaya ciyaaryahan adag oo khadka dhexe ah kaasoo gacan ka geysan doona xakameynta ciyaaraha iyaga, laakiin sidoo kale dhisi doona ciyaarta,” ayuu hadalkiisa raaciyay kabtankii hore ee United iyo England.
Be the first to comment