Wayne Rooney ayaa aaminsan in tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, uu yahay kaliya “tababaraha saddexaad ee ugu fiican” horyaalka Premier League.
Arteta wuxuu si weyn u rajaynayaa inuu keeno koobka Premier League oo muddo dheer laga sugayay garoonka Emirates, kadib markii Arsenal ay saddex xilli ciyaareed oo xiriir ah ku dhammaatay kaalinta labaad.
Arteta, oo hore uga tirsanaa Arsenal xiddig khadka dhexe, waxa uu kaliya ku guuleystay FA Cup tan iyo markii loo magacaabay tababare bishii December 2019.
Si kastaba ha ahaatee, haddii uu noqdo tababaraha ugu horreeya tan iyo Arsène Wenger ee ku guuleysta horyaalka Premier League, arrintaas waxay si weyn u beddeli doontaa sumcaddiisa iyo dhaxalkiisa kooxda.
Kooxda Gunners ayaa muddo dhowr sano ah ku jiray hoos u dhac ka hor imaanshaha Arteta, balse tababaraha reer Spain ayaa lagu amaanay isaga oo beddelay maskaxda ciyaartoyda, isla markaana kor u qaaday heerarka iyo nidaamka kubadda cagta ee waqooyiga London.
Si kastaba ha ahaatee, tababaraha oo kharash gareeyay ku dhowaad £1 bilyan oo uu ku keenay saxiixyo ciyaartoyo cusub ayaa laga filanayay inuu ku guuleysto koobab badan, waxaana la sheegay in xilli kale oo koob la’aan ah ay keeni karto in Arteta shaqadiisa waayo.
Rooney wuxuu ku adkeysanayaa in Arteta uu shaqo cajiib ah ka qabanayo Arsenal, balse haddana wuxuu u arkaa inuu yahay tababaraha saddexaad ee ugu fiican Premier League.
Sida uu qabo Rooney, kan ugu sarreeya liiska waa tababaraha halyeeyga ah ee Manchester City, Pep Guardiola, halka Unai Emery uu kaga jiro kaalinta labaad ee qiimeyntiisa.
Isagoo ka hadlaya tayada tababarenimo ee Unai Emery barnaamijkiisa podcast-ka ee BBC, Rooney oo hore uga tirsanaa Manchester United iyo xulka England ayaa yiri:
“Unai Emery wuxuu ahaa tababarihii ugu horreeyay ee yimid kadib Arsène Wenger, waxaana aragnay sida ay arrintaasi ugu adkayd David Moyes markii uu beddelay Sir Alex Ferguson.
“Taas waa cadaadis aad u weyn. Runtii waxay ahayd shaqo adag, balse shaqadii Arsenal ma aha mid si dhab ah u muujinaysa awoodda Emery.
“Aniga ahaan, marka aad eegto waxa uu hadda qabanayo waa tababaraha 2-aad ee ugu fiican premier League”
Be the first to comment