Wayne Rooney Oo Kevin De Bruyne Bar-Bar Dhigay Steven Gerrard & Ryan Giggs

Wayne Rooney ayaa sheegay in Kevin De Bruyne uu aad u fiican yahay oo lagu tilmaami karo inuu qeyb ka yahay Steven Gerrard qayb kalena ka yahay Ryan Giggs.

De Bruyne ayaa loo arkaa inuu yahay furaha fursada ee ku guulaysiga Champions League markii ugu horeysay taariikhdooda isbuucyada soo socda iyada oo kooxda Premier League ka ciyaarta marti galin doonto kooxda Real Madrid lugta 2-aad ee wareega 16-ka tartanka.

Rooney oo haatan u ciyaara kooxda Derby County ayaa ka hor yimid xiddiga reer Belguim wakhtigii uu ka ciyaarayay premier League waxana uu sheegay in uuna shaki ka qabin tayadiisa.

“De Bruyne waxa uu in yar iga xasuusiyaa Steven Gerrard”Ayuu u sheegay Times.

“Waxa uu ka ciyaaraa dhinac midig ee khadka dhexe waxana uu u ciyaaraa si cajiib ah waxana uu kubada u ciyaaraa sida Steven Gerrard, waxa aan ku jecelahay ayaa ah in uu fursadihiisa qaato, waxa uu qaataa fursadaha halista ah marna kubad fudud ma ciyaaro, waxa uu ciyaaraa baas adag”.

“marka aad daawanayso ee uu kubada helo xiddigaha kale waxa ay u ordayaan boosas kale waana bogaadinta ugu fiican ee aad siin karto xiddig khadka dhexe ah”.

“Markii aan la ciyaarayay Ryan Giggs oo uu helo kubada, waxa aan u ordi jiray dhanka weerarka sababta oo ah waxa aan ogaa in uu ii keenayo kubada, De Bruyne waa sidaas oo kale”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*