Wayne Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League Xilli Ciyaareerdka Cusub

Weeraryahankii hore ee Manchester United, Wayne Rooney, ayaa sameeyay saadaashiisa xilli ciyaareedka 2025/2026 ee Premier League.

Isagoo ka hadlayay BBC Sports Match of the Day, Rooney ayaa u doortay Liverpool inay ku guuleysato horyaalka xilli ciyaareedkii labaad oo xiriir ah.

Kooxda Anfield ayaa ku guuleysatay Xilli Ciyaareerdkii hore, iyadoo 10 dhibcood ka sareysa Arsenal.

Rooney ayaa saadaaliyay in Gunners ay ku dhameystaan kaalinta labaad mar kale, halka afarta sare ay dhameystiri doonaan Manchester City iyo Chelsea.

Sida laga soo xigtay isaga, United ayaa horumarin doonta booskeeda 15-aad ee ku dhameysatay xilli ciyaareedkii hore, waxaana ay ku dhameysan doontaa booska shanaad.

“Weli waxaan qabaa inay u baahan yihiin hal ama laba saxiix oo kale,” Rooney ayaa ka yiri United.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga