Waxyaabihii Aan Ka Baranay Kulamadii Champions League Ee La Ciyaaray Xalay

Waxa xalay la soo afjaray kulamadii 2-aad ee wareega Group-yada champions League iyada oo la ciyaaray kulamo xiiso iyo xamaasad leh oo kala duwan.

Kooxda Juventus ayaa dhigeeda chelsea dhadhansiisay qadhaadhka guuldarada champions League kadib markii ay ku garaaceen 1/0 qaybtii dambe ay dhaliyeen.

Dhanka kale Man United ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Villarreal halka ay Barcelona la kulantay guuldaradii 2-aad oo xidhiidh ah champions League.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa waxyaabihii laga bartay kulamadii champions League ee la ciyaaray xalay.

1.Federico Chiesa ayaa u dhiibay hogaanka kooxdiisa kaliya 10 il biddhiqsi qaybtii dambe ee kulankii ay ka badiyeen chelsea, waana goolkii ugu dhakhsaha badanaa champions League tan ilaa 2003/2004.

2.Alex Telles ayaa noqday xiddigii 7-aad ee reer Brazil ah ee gool u dhaliya Man United kadib Kl├ęberson, Rafael, Anderson, Fabio, Andreas Pereira & Fred.

3.Cristiano Ronaldo ayaa noqday xiddigii 2-ad ee ugu da’da weynaa ee Man United Gool ugu dhaliya champions League Old Trafford isaga oo jira 36 sano iyo 236 maalin kadib Bryan Robson.

4.Chelsea ayaa 16 laad ku laagtay goolka Juventus waana intii ugu badnayd ee ay laadeen champions League iyaga oo marti ah laakiin aan wax gool ah ka dhalin tan ilaa 2003/2004.

5.Barcelona ayaa 4 guuldaro iyo hal bar-baro la kulantay 5-tii kulan ee uu dambeeyay ee champions League iyaga oo aan wax kulan ah badin isla markaas dhalisay 2 gool lagana dhaliyay 14 gool.

6.Cristiano Ronaldo ayaa ah xiddiga ugu badan ee champions League dhaliya gool yimaada daqiiqada 90-aad iyo wixii ka dambeeya taariikhda tartanka isaga oo dhaliyay 3 gool.

Sii Akhriso: 3 Dumar Ah Oo Raggu Neceb Yihiin..Waa Kuwee?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*