Waxan Rajaynayaa In Uu Pierre Emerick-Aubameyang Ku Fashilmo Chelsea.

Halyeeyga Arsenal Nigel Winterburn ayaa qirtay inuu rajaynayo in uu xiddiga Pierre Emerick-Aubameyang ku fashilmo kooxda chelsea kadib markii uu xididgu ku soo laabtay Premier League.

Kabtankii hore ee Gunners Aubameyang ayaa Chelsea ugu biiray heshiis 10.3 milyan maalintii ugu dambaysay suuqii kala iibsiga xagaaga.

Weeraryahanka reer Gabon ayaa kulankiisii ugu horeeyay ee chelsea ku bilowday kulankii ay Blues guuldarada kala kulantay kooxda Dinamo Zagreb kaas oo ahaa kulankii ugu dambeeyay ee Thomas Tuchel.

Aubameyang ayaa sidoo kale ku bilowday kulankii ugu horeeyay ee Graham Potter kulankii ay Blues bar-baraha 1/1 ah la gashay kooxda Red Bull Salzburg.

Isaga oo ka hadlaya ku biirista Aubameyang ee chelsea ayaa yidhi”Lama yaabin haddii aan runta ka hadlo”.

“Si fiican ayuu ugu ciyaaray kooxda Arsenal, laakiin arinta dhacday ma garan karno, Arsenal-na waxa ay go’aasatay in ay iska iibiso xiddiga”.

“Haatan waxa la sugayaa waxa uu qabto iyo hadii uu dhalin karo goolal 20 iyo wax ka badan laakiin waxa aan rajaynayaa in uuna sidaas samayn oo uuna ku fashilmo Chelsea”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*