“Waxa Aan Rabaa In Aan Arko Warqadiisa Dhalashada”. Da’yarka Barcelona Ee Gavi Oo Ka Yaabsaday Jamie Rdnkapp

Xiddiga kooxda Barcelona ee Gavi ayaa saaran dibnaha cid walba oo kubada cagta ah haatan kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay.

Xiddiga Gavi oo khadka dhexe ku fiican ayuu Ronald Koeman u soo dalacay kooxda 1-aad isaga oo ciyaarsiiyay kulamada kooxdiisa xilli ciyaareedkan.

Kadib qaab ciyaareedka fiican ee uu ku soo bandhigay kooxda Barcelona waxa loo soo qaatay waajibaadka xulka qarankiisa Spain isaga oo qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kulamadii UEFA Nations League.

Xiddiga Gavi ayaa ah kaliya 17 sano jir waxana uu ka yaabsaday adduunka oo dhan kadib qaab ciyaareedka cajiibka ah ee uu soo bandhigay.

Lakiin Halyeeyga Liverpool iyo xulka England ee Jamie Redknapp ayaa diidan in uu aqbalo da’da Gavi waxana uu codsaday in la tuso warqada dhalashadiisa si uu u xaqiiqsado.

“Kaliya waxa aan doonayaa in aan arko warqadiisa dhalasho, ma rumaysan karo in uu xiddig 17 sano jira sidaas u fiicanyahay, waan ka xumahay ma aamini karo”auyuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*