Waxa aan Man United Ku Garaaci Karnay 3/0 Ama 4/0

Daafaca kooxda Arsenal ee Rob Holding ayaa rumeysan in Arsenal ay guul weyn ka gaari kartay Manchester United Axadii.

Gunners ayaa xaqiijisatay guul 1-0 ah waxaana rigoorada qeybtii labaad u dhaliyay Pierre-Emerick Aubameyang.

Isagoo hadlayay guushii kadib, Holding ayaa yidhi”Haa, waan ku faraxsanahay qaab ciyaareedka iyo in aan shabaqeena ilaashanay, garoonkan kumaanu badanin muddo 14 sano ah horyaalka sidaas darteed way fiicantahay in aan iska masaxnay rikoodhkaas”.

“Kooxda waxa ay sameyneysay horumar waxaana rajeyneynaa inaan sii wadi karno dar dar gelintan”.

“Waxa aan kubad ku dhufanay kubad qaybtii hore kadib waxa aan madaxa la helay kubad fiican”.

“Kulankii United waxa aan ku badin karnay 3/0 ama 4/0 laakiin waan ku faraxsanahay 1/0”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*