“Wax Walba Way Dhici Karaan” Pep Guardiola Oo Fariin U Diray Arsenal Tartanka Premier League.

Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa uga digay Arsenal in “waxyaabo badan ay dhici doonaan” tartanka hanashada horyaalka Premier League.

Guardiola ayaa hadalkan sheegay kaddib markii kooxdiisu 2-1 kaga adkaatay Liverpool kulan Axaddii dhacay.

Reds ayaa hoggaanka qabtay kaddib laad xor ah oo cajiib ah oo uu dhaliyay Dominik Szoboszlai daqiiqaddii 74-aad.

Laakiin City ayaa dib u soo laabatay, iyadoo goolal ka heleen Bernardo Silva iyo Erling Haaland, si ay saddexda dhibcood ugala baxaan Anfield.

Natiijadan ayaa ka dhigan in kooxda Guardiola ay weli lix dhibcood ka dambeeyaan hoggaamiyeyaasha horyaalka ee Arsenal, iyadoo ay harsan yihiin 13 kulan.

Guardiola oo la hadlayay Sky Sports ayaa yiri:


“Waxaan lix dhibcood ka dambeynaa Arsenal, waa hagaag waa farqi weyn, sababtoo ah goolal ma laga dhaliyo, dhammaan kulamadoodana way badiyaan, laakiin waxyaabo badan ayaa dhici doona, sida aan qiyaasayo.”

Wuxuu intaas ku daray:


“Waa inaan la ciyaarnaa (Arsenal) gurigeenna, dabcan waa inaan garaacnaa. Waxaanan iri, 13 kulan oo Premier League ah, aniga aragtidayda, waayo-aragnimadayda yar, waa waqti badan, waqti aad u badan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga