Hordhac: Burnley Vs Man United : Kooxda Turf Moor Oo Dhigi Karta Rikoor Haddii Ay Guul Gaaraan

Man United ayaa kulan horyaalka ah waxa ay la leeyihiin Burnley waxa ayna kulankaas helayaan Cavani ka dib sedex kulan oo uu ka ganaaxnaa .

Lindelof iyo Shaw ayaa iyana soo laabanaya waxaana wehlinaya Pogba kaasi oo ka maqnaa kulankii FA Cup-ka balse waa la qiimeynayaa .

Balse waxaa maqnaan doona sida ay u badan tahay Bailly kaasi oo jug ay ka gaartay qoorta kulankii Watford .

Xogta Kulanka.

* Man United ayaa badisay afartii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka ee ay booqdeen kooxdaq Burnley

* Burnley ma aysan dhalin wax gool ah 5-tii kulan ee ugu dameebayay ee ay Man United marti giliyeen.

* Burnley laba gool ayay United ku garaaceen kulankoodii ugu dambeeyay ee Old Trafford , haddii kulankan badiyaan waxa ay noqoneysaa markii ugu horeeysay ee is xigta tan iyo sanadkii 1968-dii

* Burnley ma aysan badin 8-dii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ee ay United la ciyaareen .

* Man United lagama badin 10-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka , 8 jeer waa badiyeen labana waxa ay galeen bar bar dhac .

* United waa kooxda kaliya ee horyaalka ee banaanka garoonkooda looga soo badin PL xilli ciyaareedkaan, 6 jeer waa badiyeen halna bar bar dhgac

* Martial sedex gool oo horyaalka ah ayuu ku leeyahay Burnley waxa uuna dhamaan ku dhaliyay qalcadda Turf Moor.

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*