
Kooxda Man City ayaa ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka Premier League kadib markii ay xasuuqday kooxda Liverpool kulan ka dhacay Anfield.
Laakiin Man City ayaan wali xaqiiqsan horyaalka wax walbana waa suurtagal inta ka dhiman xilli ciyaareedkan maadama ay Man City kaliya 5 dhibcood ka ka horayso kooxda Man United.
Si kasta ha ha ahaatee waxa uu tartan waali ah ka socdaa boosaska loogu soo boxo champions league iyada oo kooxo badan ku tartamayaan boosaska champions League loogu soo baxay.
Saxafiyiinta ayaa dhamaantood isku raacay in ay ay kooxda Man City ku guulayan doonto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.
Laakiin saxafiyiinta ayaa isku khilaafsan kooxaha ku dhamaysan doona 3-da boos ee kale iyaga oo saxafiyiinta qaar saadaaiyeen in ay kooxda Man United ka hadhi doonto boosaska champions league, qaar kale ayaa Leicester City u saadaaliyay in ku soo bixi doonto halka ay sidoo kale chelsea iyo liverpool ku jireen saadaalinta 4-ta boos ee ugu saraysa premier League
Saxafiyiinta Wargayska Mirror Sport ayaa sameeyay saadaashooda ku aadan kooxaha ku dhamaysan doona 4-ta boos ee ugu sareeya premier League.
Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Saadaalinta saxafiyiinta Wargayska Mirror ee kooxaha ku dhamaysan doona 4-ta boos ee ugu sareeya Premier Leageu.
ANDY DUNN
- Manchester City
- Manchester United
- Liverpool
- Chelsea
DAVID ANDERSON
- Manchester City
- Manchester United
- Chelsea
- Liverpool
NEIL MCLEMAN
- Manchester City
- Chelsea
- Manchester United
- Liverpool
MIKE WALTERS
- Manchester City
- Chelsea
- Manchester United
- Liverpool
JOHN CROSS
- Man City
- Liverpool
- Man United
- Chelsea
ALEX RICHARDS
- Manchester City
- Liverpool
- Manchester Utd
- Chelsea
SAM MEADE
- Man City
- Leicester
- Chelsea
- Liverpool
Be the first to comment