Wargayska MARCA Oo Soo Xushay Shaxda Ugu Fiican & Shaxda Ugu Xun Ee Horyaalka La Liga

Horyaalka La Liga ayaa si Rasmi ahu dhamaaday Axadii kadib markii la ciyaaray kulamadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka 2019/2020.

Kadib dhamaadka xilli ciyaareedka wargayska  MARCA ayaa soo saaray shaxdiisa ugu fiican iyo waliba kuwa ugu xun ee xilli ciyaareedkii dhamaadka.

Waxa jira xiddigo badan oo soo bandhigay qaaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan iyaga oo kooxohood ku hogaamiyay guulo waaweyn tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan.

Shaxda ugu fiican kooxda Real Madrid ayaa ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh Courtois oo Goolhaye ah, Ramos oo daafaca dhexe ah, Casemiro oo khadka dhexe ah iyo Benzema oo weerarka ah.

Dhanka kale xiddiga kaliya ee Kooxda Barcelona kaga jira ayaa ah xiddiga ku guulaystay gool dhalinta La Liga ee Lionel Messi.

Kooxda Villarreal ayaa laba xiddig ku leh shaxda halka kooxda Sevilla sidoo kale ku leedahay 2 xididg iyada oo kooxaha Real Sociedad iyo Atletico Madrid min hal xiddig ku leeyihiin.

Halkan Kaga Bogo Shaxda Ugu Fiican Ee La Liga xilli ciyaareedka dhamaaday:

Shaxda Ugu xun ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii dhamaaday:

Shaxda ugu xun ee horyaalka La Liga ayaa ahaa xiddigihii aan soo bandhigin qaab ciyaareed cajiib ah ee ku fashilmay in ay soo bandhigaan qaab ciyaareedkii laga filayay kadib markii ay kooxaha La Liga ku soo biireen.

Xiddigaha Joao Felix, Antoine Griezmann & Luka Jovic ayaa ka mid ah xiddigaha ugu magaca weyn ee ku soo baxay shaxda ugu xun ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*