Wargayska MARCA Oo Kashifay Fursadaha Ferland Mendy Ee Ciyaarista Kulanka Chelsea.

Wargayska MARCA ayaa xaqiijiyay in uuna xiddiga daafaca bidix uga ciyaara Real Madrid ee Ferland Mendy taam u noqon doonin kulanka ay Real Madrid la ciyaari doonto Chelsea champions League.

Real Madrid ayaa marti galin doonta kooxda Chelsea kulan ka tirsan lugta 1-aad ee wareega Semi-final-ka champions League kulan dhici doona 27 bishan haatan lagu jiro.

Ferland Mendy ayaa kooxdiisa uga maqan dhaawac lugta Midig ah waxana uu ka maqnaa tan ilaa 17 bishan haatan lagu jiro.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uuna xiddiga Ferland Mendy wali ka soo muuqan tababarka iyada oo kaliya 2 maalin ka dhimantahay kulanka chelsea ee champions League.

Sidaas darteed xiddiga Ferland Mendy ayayna suurtagal ahayn in uu taam u noqdo kulanka Chelsea taas oo la macno ah in uu Zidane booskiisa ka ciyaarsiin doono xiddiga Nacho.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow 4-tan Arin Ha U Sheegin Gabadha Hadii Aad Si Dhab Ah U Jeceshahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*