Wargayska Manchester Evening News Oo Soo Xushay Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Liverpool Vs Man City Ka Hor Kulankooda Axada.

Kooxaha Liverpool iyo Man City ayaa Axada isaga hor iman doona kulan adag oo premier League ah oo ay labada kooxoodba isha ku hayaan.

Sanadihii ugu dambeeyay kulanka u dhexeeya kooxaha Liverpool iyo Man City ayaa noqday midka ugu xiisaha badna ee sida weyn loo sugo marka ay wada ciyaarayaan.

Labada kooxood ayaa ku kala jira laba xaalad oo kala duwan ka hor kulanka adag ee horyaalka premier League Axada.

Kooxda Liverpool ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Brighton sidoo kale dhaawac ku wayday xiddigaha ugu muhiimsan kooxda.

Dhanka kale Man City ayaa ku jirta qaab ciyaareed cajiib ah iyaga oo bilaa guuldaro ah kulamadii ugu dambeeyay ee tartamada oo dhan iyaga waliba kulamo badan shabaqooda ilaashada.

Ka hor kulanka wargayska Manchester Evening News ayaa soo saaray shaxdooda isku dhafka ah ee labada kooxood ka hor kulanka Axada.

Kooxda Man City ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 8 xididg halka ay Liverpool ku leedahay kaliya 3 xiddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*