Wargayska Liverpool Echo Oo Ka Hadlay Xaqiiqada Wararka Sheegaya Dhaawaca Joel Matip.

Wargayska Liverpool Echo ayaa kala cadeeyay xaqiiqada wararka sheegaya in uu dhaawacmay xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Liverpool ee Joel Matip.

Xiddiga reer Cameroon ayaa dhamaystay kulankii ay Liverpool bar-baraha la gashay Everton isaga oo aan wax dhibaato ah dareemin.

Laakiin saacadihii ugu dambeeyay waxa soo baxay warar iyo waliba muuqaal muujinaya xiddiga oo galaya Cusbitaalka Liverpool taas oo wal-wal ku abuurtay taageerayaasha Liverpool.

Laakiin Wargayska Liverpool Echo ayaa sheegay in uu daafacu sabtidii tagay Cusbitaalka si looga baadho jug yar oo ka soo gaadhay kulankii Everton.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu xiddigu helay jawaabta loona sheegay in uuna wax dhibaato ah qabin taam-na u yahay in uu u ciyaaro kooxdiisa kulamada soo socda.

Sii Akhriso: Sheeko La Yaab Leh: Nin Muslim Ah Oo Loo Diiday Dhalasho Dalka Jarmalka Ah & Sababta Oo La Ogaaday

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*