
Sanadka 2020 ayaa ahaa mid aan waxba la saadaalin karin, inkasta oo la Filayay in ay Liverpool ku guulaysan doonto horyaalka premier League 30 sano kadib hadana ma jirin cid saadaalisay in ay Liverpool u dabaal dagi doonto horyaalka bisha July halkii ay u dabaal dagi lahayd bishii May.
Kooxda Liverpool ayaan sidii xilli ciyaareedkii hore dhibco badan ku hogaaminayn horyaalka marka loo eego in ay kaliya 7 dhibcood kala sareeyaan 6-da kooxood ee ugu sareeya horyaalka.
Kooxda Jurgen Klopp ayaa si kasta ah ahaatee ah kooxda ugu adag inkasta oo ay dhaawacyo ku wayday xiddigo muhiim ah.
Kooxda Jose Mourinho ee Tottenham ayaa ku jirta qaab ciyaareed cajiib ah iyaga oo si fiican u ciyaaraya xilli ciyaareedkan.
Dhanka kale taageerayaasha Aston Villa ayaa rajaynayay in ay Premier League ka yaabsadaan sidii Leicester City kadib markii ay 7/2 ku xasuuqeen kooxda Lierpool.
Laakiin kooxda Southampton ayaa ah kooxda hogaaminaysa kooxaha yar iyada oo ku jirta kaalinta 6-aad halka ay Leicester City ku jirto kaalinta 2-aad inkasta oo ay xilli ciyaareed isku dhex jira ah soo qaadatay.
Hadaba wargayska Daily Mail ayaa sameeyay saadaashooda sida uu ku dhamaan doono horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.
Daily Mail ayaa Liverpool u saadaaliyay ku guulaysiga horyaalka premier League halka ay kaalinta 2-aad u saadaaliyeen kooxda Tottenham.
Halkan Hoose Kaga Bogo Sida uu wargayska Daily Mail u saadaaliyay kala saraynta premier League:
- Liverpool
- Tottenham
- Chelsea
- Man United
- Man City
- Leicester City
- Everton
- Southampton
- West Ham
- Wolves
- Arsenal
- Aston Villa
- Leeds United
- Newcastle United
- Crystal Palace
- Burnley
- Brighton
- Fulham
- West Brom
- Sheffield United
Be the first to comment