Wargayska AS Oo Soo Saaray Shaxdiisa Ugu Fiican Taariikhda Kubada Cagta.

Wargayska AS ayaa soo saaray soona doortay shaxda 11-ka xiddig ee ugu fiican taariikhda kubada cagta kadib markii ay saxafiyeenteeda waydiiyeen in ay doortaan shaxda ugu fiican taariikhda kubada cagta.

Kadib codayn dheer wargayska ayaa soo saaray 11 xiddig ee ugu fiican taariikhda kubada cagta oo ka kooban Goolhaye, Daafacyo, khadk dhexe iyo weeraryahano.

Saxafiyeenta ka qayb qaatay codaynta ayaa kala ah Alfredo Relaño, Álvaro Benito, Santiago Segurola, Dani Garrido, Enrique Ortego, Axel Torres, José Sámano, Kiko Narváez, Luis Nieto, Manu Carreño, José Sámano, Vicente Jiménez, Aritz Gabilondo, Cristian Arcos, Alejandro Gómez, Sarah Castro & José Luis Garci.

Dhamaan saxafiyiintaas ayaa isku raacay hal shax oo ka kooban 11 xiddig kuwaas oo ay u aqoonsadeen xiddigaha ugu fiican taariikhda kubada cagta.

Xiddigaha Lionel Messi & Cristiano Ronaldo ayaa ah xiddigaha kaliya ee haatan ciyaara kubada cagta maadam ay dhamaan xiddigaha kale dhamaan ka fadhiisteen ciyaaraha.

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*