Wargayska AS Oo Kashifay Mudada Uu Federico Valverde Ka Maqnaan Doono Garoomada.

Wargayska AS ayaa shaaca ka qaaday mudada uu garoomada ka maqnaan doono xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Federico Valverde kadib dhaawacii soo gaadhay.

Kooxda Real Madrid ayaa xaqiijisay maanta dhaawaca soo gaadhay xiddiga reer Uruguay kadib kulankii Valencia ee ay guuldarada la kulantay Los Blancos.

Wargayska AS ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Uruguay ee Federico Valverde garoomada ka maqnaan doono ugu yaraan hal bil ama laba bilood.

Xiddiga khadka dhexe Federico Valverde ayaa haatan gali doona fasax laba todobaad ah inta lagu jiro fasaxa xulalka ee ee bilowday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*