Wargayska AS Oo Ka Warbixiyay Xaalada Lionel Messi Ka Hor Kulanka Bayern Munich.

Wargayska AS ayaa ka warbixiyay xaalada xiddiga ahna kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ka hor kulanka Bayern Munich kana tirsan 8 Dhamaadka Champions League.

Barcelona ayaa la ciyaari doonta kooxda Bayern Munich kulan adag oo ka dhici doona Portugal kana tirsan 8 dhamaadka tartanka champions League.

Wargayska ayaa sheegaya in uu Lionel Messi taam buuxa u noqday 100% in uu ku bilowdo kulanka kadib markii uu tababar buuxa qaatay maanta isaga oo aan wax xanuun ah dareemin.

Xiddiga Barcelona ee Lionel Messi ayaa seegay tababarkii kooxdiisa ee Axada kadib markii uu dhaawac lugta ah ka soo gaadhay kulankii Napoli.

Laakiin xiddiga ayaa taam u noqon doona kulanka Bayern Munich ee Jimcaha ee sida weyn loo sugayo.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*