WARBIXIN: 2 & 3 Kooxood, Boosaska Champions League Oo Lagu Kala Bixi Doono Maanta

Premier League ayaa yeeshay waji cusub kadib guuldaradii Chelsea ka soo gaadhay Liverpool iyo waliba fashilkii ay Man United ku fashilantay in ay dhibco ka qaadato kulankii West Ham.

Labada Boos ee champions League loogu soo boxo ayaa la isla aadi doonaa maalinta ugu dambaysa iyada oo kooxaha Man United, Chelsea iyo Leicester City ku tartamayaan booska champions League.

Waa sidee kala saraynta 3-da kooxood.

Haatan kooxaha Man Unted iyo Chelsea ayaa isku dhibco ah iyaga oo wada leh 64 dhibcood xilli ayna Leicester City aad uga fogayn iyada oo leh 63 dhibcood, halka farqiga goolasha Red Devils ayaa la bar-baro ah Leicester City iyaga oo leh 28 gool halka kooxda Frank Lampard leedahay 13 gool.

Ayaa la ciyaaraya Ayo maalinta ugu dambaysa:

Horyaalka premier League ayaa maanta ku dhamaan doona si cajiib ah iyada oo Man United u safri doonto Leicester City kaas oo ah kulan muhiim u ah labada kooxood xitaa chelsea ayaan kulan fudud ciyaari doonin iyaga oo marti galinaya kooxda Wolves kuwaas oo kaliya 4 dhibcood ka horeeya chelsea.

Sidee Ayay Koox Walba u soo bixi kartaa?.

Arinta cajiibka ah ayaa ah in maalinta ugu dambaysa koox walba gacanta ku haysato mustaqbalkiisa iyaduna go’aamin karto.

Marka loo eego in ay hal mar soo wada dhici doonaan kulamda kooxuhu taageerayaasha kooxaha ayaan isha ku hayn doonin kulanka kooxda kale maadama ay kooxdooda ka wal-walayaan U Soo Bixista Champuons League:

Manchester United:

Xaalada Kooxda Ole Gunnar Solskjer ayaa ah mid iska cad wax aan guuldaro ka ahayn waxa ay ka caawinaysaa in ay u soo baxdo champions League halka ay guul ay gaadhaan sabab u noqonayso in ay kaalinta 3-aad ku dhamaystaan halka xitaa hadii ay bar-baro la galaan ay ka sare mari doonaan Leicester City.

Laakiin hadii laga badiyo waa in ay rajeeyaan in ay Wolves garaacdo kooxda Chelsea.

Chelsea:

Frank Lampard ayaa laga yaabaa in uu is waydiinayo sababta ay mudada dheer ugu qaadatay in ay kooxdiisu u soo baxdo champions League laakiin haatan waa hel ama dhimo kulanka Stamford Bridge ay kula ciyaari doonaan Wolves.

Chelsea ayaa u baahan in ay hubiso in ayna guuldaro la kulmin hadii ay doonayo in ay u soo baxdo champions League, xitaa bar-baro ayaa kaga filnaanaya taas oo ka sare marinaysa kooxaha Leicester City iyo Man United iyada oo ku xidhnaan doonta natiijada ka soo baxda kulankooda halka guul ay gaadho ay u xaqiijinayso in ay ka sare marto labada kooxood iyaga oo aan eegin natiijada ka soo baxda kulankooda.

Laakiin hadii laga badiyo xaalka ayaa ku xumaan doona, hadii ay chelsea guuldaro kala kulanto Wolves waa in ay rajeeyaan in ay Man United garaacdo Leicester City hadii ay Chelsea guuldaro la kulanto oo ay United iyo Leicester City bar-baro galaan kooxda Lampard ayaa kaalinta 5-aad ku dhacaysa.

Leicester:

Ugu dambayn kooxda sanadkii 2016 ku guulaystay horyaalka premier League ayaa u soo bixi karta hadii ay bar-baro la gasho Man United laakiin ay chelsea guuldaro kala kulanto Wolves.

Dhanka kale hadii ay garaacaan Man United waxa ay u soo bixi doonaan chmapions League iyaga oo aan sugin natiijada kulanka Chelsea ee Wolves.

Sii Akhriso: Sii Akhriso: Dalka Maraykanka Oo Ka Hadlay Xil Ka Qaadistiis Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*