WARBIXIN:Saxiixyada La Filayo In Ay Dhacaan Inta Lagu Jiro Suuqa Xagaagan.

Suuqa kala iibsiga xagaagan ayaa noqon doona midkii ugu la yaabka badnaa taariikhda iyada oo uu ku soo hagaagay wakhti adag oo adduunku ku dhibaatoonayo xanuunka korona.

Xanuunka ayaa dhaqaalaha kooxaha hoos u dhigay taas oo la filayo in aan sidii hore xagaagan loo galin suuqa lacago badan.

Laakiin arintaas ayaan la macno ahayn in ay kooxuhu joojin doonaan xoojinta kooxohooda suuqa kala iibsiga xagaaga ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Waxa haatanba la hadal hayaa xiddigo aad u badan kuwaas oo lala xidhiidhinayo kooxaha yurub kuwaas oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxohooda suuqa xagaaga.

Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa saxiixyada laga yaabo in ay dhacaan inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

1.JADON SANCHO:

Xiddiga reer England ayayna jirin maalin aan la soo hadal qaadin iyada oo lala xidhiidhinayo ku laabashada horyaalka premier League oo uu 3 sano ka hor ka tagay.

Xiddigii hore ee Man City ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Man United kuwaas oo doonayay bilihii ugu dambeeyay waxana uu saxiixiisu ku kici karaa lacag ka badan 100 milyan oo euro.

2.LAUTARO MARTINEZ:

Xiddiga reer Argentine ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Inter Milan 2-dii sano ee uu joogay kooxda.

Kadib xilli ciyaareed uu dhaliyay 18 gool xiddiga Martinez ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Barcelona kuwaas oo xitaa diyaar u ah in ay heshiiskiisa xiddigo ku daraan.

3.THIAGO ALCANTARA:

Xiddigan khadka dhexe ee Thiago ayaa ka mid ah xiddigaha todobaadyadii ugu dambeeyay sida weyn looga hadal hayay suuqa kala iibsiga xagaaga.

Xiddiga ayaa xaqiijiyay in uu isaga tagayo kooxda Bayern Munich waxana la sheegayaa in uu haatan ku dhawyahay kooxda Liverpool kuwaas oo xitaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay.

4.KAI HAVERTZ:

Xiddiga reer Germany ayaa si weyn looga hadal hayaa suuqa bilihii ugu dambeeyay waxana si weyn loo filayaa in uu ku soo biiro kooxda Chelsea todobaadyada soo socda.

Chelsea ayaa doonaysa in ay xiddiga tayada leh ee khadka dhexe ku xoojiso kooxdeeda waxana ay haatanba wadahadalo kula jirtaa kooxdiisa Bayer Leverkusen.

5.PHILIPPE COUTINHO:

Xiddiga Barcelona kaga biiray Liverpool suuqii January 2018 ayaa ku dhibaatooday Spain iyo Germany 2-dii sano ee la soo dhaafay.

Kadib xilli ciyaareed adag oo uu ku soo qaatay Barcelona waxa Amaah loogu diray Bayern Munich halkaas oo uuna wax is badal ah ku samayn waxana haatan lala xidhiidhinayaa in uu ku soo laabanayo Premier League iyadaoo lala xidhiidhinayo kooxaha Arsenal Iyo Tottenham.

6.JAMES RODRIGUEZ:

Xiddiga Real Madridayaa hoos u dhac weyn sameeyay tan ilaa markii uu Real Madrid kaga soo biiray Monaco kadib koobkii adduunka 2014.

Kadib 2 sano oo amaah ah oo uu ku qaatay Bayern Munich xiddiga ayaa ku dhibaatooday in uu boos ka helo kooxda Real Madrid xilli ciyaareedkan isaga oo kaliya 5 kulan ku bilowday horyaalka waxana si weyn loola xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda xagaagan iyada oo lala xidhiidhinayo horyaalka Premier League, La Liga & Serie A-da.

7.JACK GREALISH:

Kabtanka kooxda Aston Villa ayaa kooxdiisa ka caawiyay in ay ku negaado horyaalka maalintii ugu dambaysay ee xilli ciyaareedka.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda Aston Villa iyada oo si weyn loola xidhiidhinayo kooxda Man United.

8.GARETH BALE:

Ma ahan xagaagii ugu horeeyay sanadihii ugu dambeeyay ee aan la soo hadal qaadin Gareth Bale waxana mar kale la hadal hayn doonaa xiddiga reer Wales.

Xiddiga 28 jirka ah ayaan ka mid ahayn qorshaha tababare Zidane waxana ay kooxdu si cad uga sheegtay in uu raadsado koox uu ku biiro waxana la filayaa in uu isaga tago kooxda una dhaqaaqo dhankaas iyo horyaalka shiinaha.

9.WILLIAN:

Heshiiska xiddiga 31 jirka ah ayaa dhici doona isla marka uu dhamaado kulanka champions League ee ay Chelsea la ciyaari doonto Bayern Munich hadii ay ka hadho tartanka champions League.

Xiddigan ayaa door muhiim ah ka ciyaaray kooxda chelsea ee u soo baxday champions League xilli ciyaareedka dambe waxana lala xidhiidhinayaa kooxo badan oo ay ka mid tahay kooxda Arsenal.

10.KALIDOU KOULIBALY:

Daafaca Napoli ayaa ka mid ah daafacyada loogu doonista badan yahay yurub kadib markii uu kooxda Napoli kula guulaystay koobka Coppa Italia.

Kooxda Napoli ayaa dhankooda shaaciyay in ay 70 milyan oo euro ku fasaxayso xiddiga iyada oo ilaa haatan lala xidhiidhinayo kooxaha Man City & Liverpool.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*