WARBIXIN:SADDEX Saxiix Oo Ay Man United U Baahantahay In Ay Samayso Si Ay Xilli Ciyaareedka Dambe ugu Tartanto Premier Leageu.

Xanuunka Korona ayaa joojiyay qaab ciyaareedkii fiicnaa ee Man United laakiin Red Devils ayaa u muuqata kuwo halkoodiii ka bilowday kadib 3 guul iyo hal bar-baro oo ay galeen kulamada prmeier League tan ilaa markii dib loo bilaabay xilli ciyaareedkan.

Guushii weynayd ee 5/2 ahayd ee ay Man United ka gaadhay kooxda Bournemouth ayaa taageerayaasha Red Devils rajo ka siiyay in uu Ole Gunner Solskjaer dhisayo kooxda Old Trafford.

Red Devils ayaa haatan bilaa guuldaro ah 16 kulan tartamada oo dhan iyaga oo sii wada dagaalkooda boosaska champions League iyo waliba tartamada kale ee FA Cup-ka iyo Europa League.

Inkasta oo ay rajo fiican leeyihiin hadana Xaqiiqada ayaa ah in ay 34 dhibcood ka dambeeyaan kooxda ku guulaystay horyaalka ee Liverpool xilli 5 kulan dhimantahay dhamaadka xilli ciyaareedka.

Hadaba wargayska Daily Mail ayaa soo saaray warbixin 3 saxiix oo ay tahay in ay Man United samayso si ay Ugu tartanto horyaalka premier League xilli ciyaareedka dambe.

Kalidou Koulibaly:

Daafaca reer Senegal ee Kalidou Koulibaly ayaa ah xiddig si weyn loola xidhiidhinayay Man United suuqyadii la soo dhaafay waxana uu daafacu shaki la’aan buuxin doonaa booskii uu baneeyay Rio Ferdinand.

Wilfred Ndidi:

Man United ayaa u baahan kubad dile halis ah oo sida N’Golo Kante oo kale ah waxana lala xidhiidhinayay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Leicester City ee Wilfred Ndidi kaas oo qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Foxes tan ilaa intii uu joogay kooxda.

Jadon Sancho:

Xiddiga reer England ayaa dhankiisa bartilmaameed u ah Red Devils shaki la’aana waxa uu ka dhigi doonaa koox u tartanta horyaalka xilli ciyaareedka dambe hadii ay la soo saxiixdaan xiddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*