WARBIXIN:Real Madrid & Cristiano Ronaldo Oo Dareemay In Ay Isku Baahnaayeen & Champions League Oo Cadeeyay.

Real Madrid ayaa mar kale xilli ciyaareedkii 2-aad oo xidhiidh ah tartanka champions League looga reebay kadib guuldaradii 2/1 ahayd ee ka soo gaadhay kooxda Man City.

Kooxda Real Madrid ayaa xilli ciyaareedkii hore isla wareegan looga reebay tartanka kadib guuldarado ka soo gaadhay kooxda Ajax.

Dhanka kale Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa ku dhibaatoonaya in uu meel fog la gaadho kooxdiisa Juventus tartanka champions League.

Juventus ayaa guul 2/1 ah ka gaadhay Lyon xalay kulan ka tirsanaa lugta 2-aad ee wareega 16-ka laakiin waxa ay tartanka kaga hadhay xeer kadib markii garoonkeeda gool looga dhaliyay.

Cristiano Iyo Juventus ayaa xilli ciyaareedkii 2-aad oo xidhiidh ah laga reebay tartanka iyaga oo aan dhaafin Quarter-Final-ka tartanka champions League.

Xilli ciyaareedkii hore Juventus iyo Ronaldo ayaa wareega 8 Dhamaadka ama Quarter-Final-ka tartanka champions League kadib markii ay guuldaro kala kulmeen kooxda Ajax.

Wixii ka dambeeyay labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay Ronaldo iyo Real Madrid ayaa koobka champions League ku guulaystay 3 jeer oo xidhiidh ah.

Hadaba waxa haatan cadaatay in ay Real iyo Ronaldo isku baahnaayeen si ay ugu guulaystaan tartanka champions League maadama 2-dii sano ee ay kala maqnaayeen marna ku wada hadheen wareega 16-ka oo xilli ciyaareedkan ah halka ay xilli ciyaareedkii hore Real Madrid ku hadhay wareega 16-ka halka ay Juventus ku hadhay wareega 8 dhamaadka.

Sii Akhriso: Nin Somali Ah Oo Ku Nool Maraykanka Oo Lagu Xukumay 40 Sano Oo Jeel Ah, Sabab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*