WARBIXIN:Hal Boos Oo Ay Kooxaha Ugu Waaweyn Premier League Doonayaan In Ay Iska Xoojiyaan Suuqa January.

MANCHESTER, ENGLAND - MAY 13: The so-called 'top six' Premier League club crests, Liverpool, Manchester City, Manchester United, Chelsea, Tottenham Hotspur and Arsenal on their first team home shirts on May 13, 2020 in Manchester, England. (Photo by Visionhaus)

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga January kooxaha kala duwan ayaana suuqa u gali doona sidii ay u xoojin lahayeen kooxohooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Suuqa January ayaa inta badan ah mid adag marka loo eego in ayna kooxna ogolaan in ay bartamaha xilli ciyaareedka fasaxdo xiddigeheeda ugu fiican ama lacag aad u badan ku qaadato.

Hadana Kooxaha premier League ayaa si weyn loo filayaa in ay u galaan suuqa waliba iska xoojiyaan meesha ay koox walba ka cabanayso.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa booska ay koox walba u baahantahay in ay iska xoojiso bishan:

Arsenal – Kubad Sameeye:

Arsenal ayaa ku dhibaatoonaysa kubad samaynta xilli ciyaareedkan iyaga oo aan xiddigaha kooxda u jooga samayn fursado fiican oo ay weeraryahanadu goolal ka dhalin karaan.

Mikel Arteta ayaa suuqa u gali doona sidii uu u heli lahaa xiddig khadka dhexe ah oo kubad sameeyo ah si uu uga caawiyo u tartamista boosaska tartamada yurub ee xilli ciyaareedka dambe.

Chelsea – Daafaca Dhexe:

Inkasta oo uu Frank Lampard suuqa galiyay lacag aad u badan xagaagii hadana kooxda chelsea ayaa wali dareemaysa in ay wax ka dhiman yihiin waana daafaca dhexe.

Chelsea ayaa horumar ka samaysay dhanka daafaca xill ciyaareedkan hadana chelsea ayaa kulamadii ugu dambeeyay muujisay in ay u baahantahay daafac dhexe oo ka garab ciyaara xiddiga Thiago Silva.

Liverpool – Daafac Dhexe:

Waa koox kale oo si aad ah u doonaysa daafac cusub inta lagu jiro bisha January marka loo eego in ay dhaawacyo ka soo gaadheen dafacyada kooxda.

Daafacyada Virgil Van Dijk iyo Joe Gomez ayaa la filayaa in ay ka maqnaadaan inta ka dhiman xilli ciyaareedkan sidaas darteed Klopp ayaa si aad ah ugu baahan daafac cusub inta lagu jiro bishan.

Manchester City – Weeraryahan:

Bilo yar ka hor kooxda Man City ayaa ku jirtay gool dhalin cajiib ah iyaga oo dhalinayay goolal badan tababare Guardiola ayaana u baahan in uu xagaagii la soo saxiixdo weeraryano cusub.

Laakiin bilowgii xilli ciyaareedkan ayay dhibaato dhanka weerarka ah ku bilaabatay kooxda Man City iyaga oo dhaawac ku waayay xiddiga ugu goolasha badan taariikhda ee Sergio Aguero sidaas darteed Guardiola ayaa suuqa ugu jira weeraryahan cusub.

Manchester United – Daafac Midig:

Kooxda Man United ayaa suuqa u gali doona saxiixa daafac Midig iyada oo ay Red Devils ku dhibaatoonayso booska Aaron Wan-Bissaka kaas oo dhaawacyo la dhibaatooday kulamadii ugu dambeeyay.

Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonaysa in ay keento daafac Midig xilli uu doonayo in ay kooxdiisu ku guulaysato horyaalka premier League xilli ciyaareedkan tan ilaa 2013.

Tottenham Hotspur – Daafac dhexe:

Waa Koox kale oo suuqa January ka shaqayn doonta xoojinta daafaca dhexe iyada oo uu Jose Mourinho wali dareensanyahay in uu u baahanyahay daafaca dhexe xilli ay kooxdiisu doonayso in ay u tartanto koobab xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*