WARBIXIN:Dhul-Gariirka Uu Sababo Saxiixyada Lacagta Badan Laga Bixiyo Suuqa Kala Iibsiga, Barcelona & Liverpool Ayaa Hogaaminaya.

In Hal xiddig lagula soo wareego lacag aad u badan ayaan balan qaadayn in uu saxiixaas noqon doona mid guulaysta.

Kooxaha ayaa inta badan qaata go’aan deg-deg ah iyaga oo lacag badan ka bixiya xiddigo kuwaas oo mar kale ku fashilma in ay soo bandhigaan qaab ciyaareed fiican.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa Kooxo suuqa lacag badan galiyay kuna fashilmay kadib markii ay xiddigo waaweyn ka tageen.

Luis Figo: Barcelona -> Real Madrid:

Figo ayaa ka tagay Barcelona xagaagii 2000 isaga oo 60 milyan ugu biiray kooxda Real Madrid.

Advertisements

Barcelona ayaa la soo saxiixatay 4 xiddig lacagtii ay ka heshay Figo iyo waliba lacag dheeraad ah iyada oo kula soo saxiixatay xiddigo ay ka mid yihiinMarc Overmars & Emmanuel Petit.

Laakiin 4-tii xiddig ee ay Barcelona la soo saxiixatay ayaa ku fashilmay kooxda, kadib markii uu Figo ka tagay Barcelona kumay guulaysan horyaalka ilaa Laga gaadhay 2004/2005.

Neymar: Barcelona -> PSG:

Xiddiga reer Brazil ayaa 222 milyan ugu biiray PSG taas oo keentay in ay Barcelona 145 milyan kula soo saxiixatay xiddiga Philippe Coutinho iyo Ousmane Dembele oo ay ka soo bixisay 125 milyan.

Sidoo kale Waxa ay Paulinho kula soo saxiixatay 40 milyan, Nelson Semedo 35.7 iyo Gerard Deulofeu oo ay ka soo bixisay 12 milyan oo euro.

3 sano kadib Coutinho ayaa Amaah ugu jooga Bayern Munich halka Demebele ayaa dhaawac saaxiib la noqday.

Luis Suarez: Liverpool -> Barcelona:

Ka hor intii uuna Jurgen Klopp iman Liverpool kooxda ayaa aad uga fogayd halka ay haatan joogtay.

Liverpool ayaa 81 milyan ku iibisay Luis Suarez oo 2014-kii ku biiray Barcelona waxana ay lacagtiisii kula soo saxiixdeen Adam Lallana, Dejan Lovren, Lazar Markovic & Mario Balotelli.

Alberto Moreno, Divock Origi & Emre Can ayaa markii dambe ku soo biiray Reds laakiin xiddigahaas ayaa dhamaantood ku fashilmay iyada oo haatan kooxda joogaan kaliya Adam Lallana, Dejan Lovren Iyo Divock Origi dhamaantoodna waa xiddigo Kayd ah.

Gareth Bale: Tottenham -> Real Madrid:

Ka tagistii Bale ee Tottenham ayaa boos weyn ku baneeyay Spurs waxana ay bilowday sidii ay booskiisa u biixin lahayd.

Iyada oo 60 milyan kula soo wareegtay xiddigaha Erik Lamela & Roberto Soldado iyada oo uuna labada xiddig midkoodna buuxin booskii uu ka baxay Bale.

Kylian Mbappe: Monaco -> PSG:

In ay kooxda Monaco waydo xiddigaha Mbappe, Thomas Lemar & Fabinho Hal xagaag oo kaliya waa mid ay adagtahay in laga soo kabsado.

Laakiin Monaco ayaa 330 milyan ka heshay iibka xiddigahas taas oo suuqa u gashay badalkooda.

Aleksandr Golovin ayaa ahaa saxiixii ugu weynaa ee ay samaysay iyada oo sanadkii 2018 kula soo wareegtay 30 milyan oo euro iyada oo kadib Wissam Ben Yedder & Gelson Martins la soo wareegtay sanadkii xigay.

Monaco ayaa wali ka shalaynaysa khaladkii ay ku iibisay xiddigaha iyada oo xilli ciyaareedkan ku dhawaatay in ay dhaadhacdo.

Christian Vieri: Atletico Madrid -> Lazio:

Waayitaankii ay Atletico Madrid wayday Vieri ayaa dhibraaxo ku noqotay sanadkii 1998 inkasta oo ay 28 milyan oo euro ku iibisay.

Laakiin Atletico ayaa kaalinta 13-aad kaga dhamaystay xilli ciyaareedkii xigay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*