WARBIXIN:Xiddigaha Ugu Waaweyn Ee Haatan Bilaa Kooxda Ah

Saxiixyada Xorta ah ee suuqa kala iibsiga ayaa xagaagan yeelanay macaan gaar ah sabab la xidhiidha khal-khalka uu xanuunka Korona ku tuuray dhaqaalaha kooxaha kala duwan.

Kooxaha qaarkood ayaa heshiis yar oo ku meel gaadh ah la gaadhay xiddigaha xorta uga tagayay kooxdooda kuwaas oo xor noqday 30 bishii June halka ay qaar kale iska fasaxeen xiddigihii kooxdooda ee uu heshiiskoodu dhacay.

Waxa haatan si xor ah u yaala xiddigo badan oo heer caalami ah kuwaas oo ay koox walba si xor ah ku heli karto si ay ugu xoojiso kooxdeeda xilli ciyaareedka dambe.

Hadaba wargayska Daily Mail ayaa soo saaray Liiska 10-ka xiddig ee haatan xorta ah ee ku biiri kara kooxda ay doonayaan kadib markii ay isaga tageen kooxohoodii.

Edinson Cavani (released by PSG):

7-dii sano ee uu Edinson Cavani joogay kooxda PSG ayaa ku soo dhamaatay si muran leh kadib markii uu xiddigu diiday in uu kooxda u saxiixo heshiis ku meel gaadh ah ilaa inta laga dhamaystirayo champions league waxana uu haatan 33 jirkan ku biiri karaa koox kasta oo uu doonayo.

Mario Gotze (Borussia Dortmund):

Xiddigan ayaa wali jira 28 sano waana xiddigii dhaliyay goolkii guusha ee Finalkii koobka adduunka 2014 waxana uu raadinayaa tartan cusub kadib markii ay kooxda Dortmund iska fasaxday markii uu dhamaaday heshiiskiisu waxana haatanba lala xidhiidhinayaa kooxda Ac Milan kuwaas oo wadahadalo kula jira xiddiga.

Benedikt Howedes (Lokomotiv Moscow):

Waa xiddig kale oo Germany kala qayb qaatay koonkii adduunka 2014 waana daafac aad u fiican laakiin Howedes ayay dhaawacyo hoos u dhigeen in uu mustaqbal fiican ku yeesho kubada cagta waxana uu haatan raadinayaa koox cusub oo uu isku tijaabiyo kadib markii ay kooxdiisu iska fasaxday.

Adil Rami (Sochi):

Waa xiddig kale oo ku guulaystay koobka adduunka waxana iska fasaxday kooxda Sochi isaga oo jira 34 jir, waxa haatanba lala xihiidhinayaa kooxaha Sevilla, Valencia & AC Milan.

John Obi Mikel (Trabzonspor):

Xiddigan ayaa si fiican loogu garanayaa 11-kii sano ee uu joogay chelsea markaas oo uu wax walba kula guulaystay Blues laakiin xiddigan ayaa isaga tagay kooxdiisa haatan sabab la xidhiidha baqdin uu ka qabay xanuunka korona bilowgii xanuunka haatana waxa uu 33 jirkan raadinayaa koox cusub.

Mapou Yanga-Mbiwa (Lyon):

Xiddigan oo muddo 5 sano ah joogay kooxda Lyon ayaa noqday xiddig xor ah kadib markii ay kooxdiisa Lyon iska fasaxday kadib markii uu dhamaaday heshiiskiisa waxana uu 31 jirku haatan suuqa ku yaalaa si xor ah.

Nuri Sahin (Werder Bremen):

Sahin oo 31 jir ah ayaa noqday xiddigii abid ugu yaraa ee ku guulaysta Horyaalka Bundesliga markii uu joogay Dortmund sanadkii 2005 waana rikoodh wali taagan laakiin xiddiga ayaa wixii intaas ka dambeeyay ku dhibaatooday qaab ciyaareedka waxana uu haatan raadinayaa koox cusub kadib markii uu ka tagay kooxda Werder Bremen.

Salomon Kalou (Hertha Berlin):

Waa xiddig kale oo wakhti fiican ku soo qaatay chelsea waliba 8 sano ka hor kula guulaystay champions League ka hor intii uuna ka tagin, khabiirkan ayaa noqday 35 jir waxana uu doonayaa in uu xirfadiisa ku dhamaysto koox cusub oo uu ku biiro kadib markii uu isaga tagay kooxda Hertha Berlin.

Ezequiel Garay (Valencia):

Daafacii hore ee Real Madrid ayaa sidoo kale ka mid ah xiddigaha xorta ah ee suuqa yala waxana uu noqon doonaa heshiis u fiican koox walba oo ku xoojisata koxda xilli ciyaareedka dambe inkasta oo uu 33 jir yahay hadana waa xiddig wali leh tayo daafacnimo oo qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxda Valencia intii uu joogay xilli ciyaareedkan.

Kevin Mirallas (Antwerp):

Xiddigan ayaa sanado badan qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay Premier Legaue laakiin xiddiga ayaa haatan xor ah kadib markii ay kooxda Antwerp iska fasaxday dhamaadkii bishii hore.

Sii Akhriso: SHEEKO CUSUB: Maxaa Ka Jira In Ay Somaliland Ka Qayb Qaadanayso Wadahadalada Dhuusamareeb

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*