WARBIXIN:10-ka Xiddig Ee Ugu Fiican Kana Ciyaara Garabka Weerarka Oo La Soo Saaray.

Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa ah midka ugu xiisaha badan kubada cagta casriga maalmahan.

Mid deg-deg ah, Caqli badan, oo halis ku ah Goolka Hortiisa, xiddigaha garabka ciyaara wakhti xaadirkan ayaa lagu bixiyaa lacag aad u badan tan ilaa markii shaxda 4-3-3 badashay shaxda 4-4-2.

Halyeeyga kooxda Barcelona Ronaldinho ayaa muujiyay waxa ay la macno tahay in aad tahay xiddig garabka weerarka ka ciyaara markii uu ku sugnaa Yurub.

Hadaba kooxda.com ayaa maalmihii ugu dambeeyay idiin soo bandhigaysay xiddigaha boos walba ugu fiican waxana aan warbixintan maanta ku soo bandhigi doonaa xiddigaha 10-ka ah ee ugu fiican garabka kubada cagta haatan:

1) Lionel Messi (Barcelona):

Xiddigan ayaa aad uga horeeya cid walba oo ka ciyaarta booskaas, Lionel Messi ayaan kaliya ahayn xiddiga ugu fiican ee garabka laakiin waa xiddiga ugu fiicna taariikhda kubada cagta ee booskaas ka ciyaara.

Xiddiga ayaa ku guulaystay afar Champions League, toban horyaal oo La Liga ah, lix Copas del Rey, saddex FIFA Club World Cup, iyo shan Ballon d’Ors.

2) Neymar (PSG):

Xiddigan ayaa leh dad dhaleeceeya laakiin waxa uu Neymar ka mid ah xiddigaha ugu fiican ee ka ciyaara garabka weerarka waxana uu haatan wacdaro ka dhigayaa horyaalka Ligue 1.

Xiddigan ayaa adduunka is baray wakhtigiisii Barcelona isaga oo ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican Barcelona laakiin haatan maadama uuna ka ciyaarin horyaal si weyn loo daawado wuu is qariyay laakiin hadana waxa uu PSG ku muujiyaa awoodiisa.

3) Kylian Mbappé (PSG):

Kylian Mbappé Ayaa si fudud ugu sare mari doono liiskan 12-ka bilood ee soo socda.

Xiddigan ayaa wacdaro ku soo bandhigay koobkii adduunka ee uu kula guulaystay xulka qaranka France waxana uu wacdaro ka dhigayaa PSG inkasta oo uu kaliya yahay 20 sano.

4) Mohamed Salah (Liverpool).

Mohamed Salah Ayaa noqday mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka ee ka ciyaara garabka tan ilaa markii uu ku soo biiray Liverpool isaga oo laf dhabar u ah kooxda ku guulaystay Champions League iyo Premier League.

Salah ayaa ah mishiin gool waxana uu kooxdiisa u dhaliyay goolal aan tiro lahayn tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda.

5) Sadio Mane (Liverpool):

Sadio Mane ayaa maalinba maalinta ka dambaysa ka sii fiicnaanaya isaga oo qaab ciyaareedkiisa u qaaday heer kale xilli ciyaareedkan.

Xilli ciyaareedkii 3-aad oo xidhiidh ah xiddiga ayaa dhaliyay ama caawiye ka noqday 20 gool tartamada oo dhan waana xiddig aad u orod badan oo maskax u dheertahay.

6) Eden Hazard (Real Madrid)

Xiddiga reer Belguim ayaa wakhti adag ku soo qaatay Real Madrid sababo la xidhiidha dhaawac laakiin Hazard ayaa qabtay shaqo uu kaga soo muuqdo liiska xiddigaha garabka ee ugu fiican adduunka.

Xiddiga ayaa wadno xanuun ku soo riday daafacyada markii uu joogay premier League iyo kooxda chelsea.

7) Angel Di Maria (Paris Saint-Germain):

Di Maria ayaa ka mid ah xiddigaha ka ciyaara booska garabka weerarka waxana uu awoodiisa ku muujiyay kooxaha Paris Saint-Germain & Real Madrid inkasta oo uu ku fashilmay Man United.

Xiddiga reer Argentine ayaa leh maskax badni iyo waliba hal abuur cajiib ah oo uu kaga mid noqday liiskan xiddigaha ugu fiican garabka.

8) Raheem Sterling (Manchester City):

Xiddigan ayaa leh orod aan caadi ahayn sidoo kale halis ku ah goolka hortiisa waxana uu sanadihii ugu dambeeyay si joogto ah u soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah taas oo ka dhigtay xiddigaha ugu fiican adduunka.

Xiddiga reer England ayaa si joogto ah goolasha u dhaliya isaga oo aan maalin kaliya ka maqnaan goolasha kulamadii ugu dambeeyay ee kooxdiisa.

9) Riyad Mahrez (Manchester City)

Riyad Mahrez ayaa doorka isku badalka u qaabilsan kooxda Man City waxana marar qaar taageerayaashu iloobaan sida uu u fiicanyahay xiddiga reer Algeria.

Mahrez ayaa ka mid xiddigaha ugu gambista badan premier League xilli ciyaareedkan waxana uu leeyahay awood uu ku bur-buriyo daafaca ka hor yimaada.

10) Jadon Sancho (Borussia Dortmund):

Xiddigan ayaa ah xiddigii ugu horeeyay ee England ah ee awoodiisa ku muujiysa isaga oo da’yar ah tan ilaa Wayne Rooney isaga oo wacdaro ka dhigaya horyaalka Bundesliga.

Xiddigan ayaad mararka qaar iloobaysaa in uu xiddig garabka ka ciyaara yahay marka aad eegto goolasha uu dhaliyo iyo caawinta isaga oo xilli ciyaareedkan ku lug lahaa wax ka badan 30 gool tartamada oo dhan.

Sii khriso: Laba Caqabad Oo Ku Gudban Sirka Wadatashiga Dowlada Federaalka Somalia & Dowlada Goboleedyada Xubaha Ka Ah.