WARBIXIN:10-ka Xiddig Ee Khadka Dhexe Ee Daafaca Ee Ugu Fiican Adduunka Wakhti Xaadirkan Oo La Soo Saaray.

Xiddigaha khadka dhexe ee daafaca ayaa mar walba muhiim ka haaa kubada cagta laakiin wakhtigan casriga ah waxa ay ka muhiimsanyihiin sidii hore.

Xiddigaha doorkaas ka ciyaara kaliya masuul kama ahan in ay joojiyaan weerarka lagu qaadayo kooxdooda laakiin sidoo kale waxa ay masuul ka yihiin in ay dhisaan weerarka ay qaadayso kooxdoodu.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 10-ka xiddig khadka dhexe ee daafaca ee ugu fiican kubada cagta adduunka wakhti xaadirkan.

1) Casemiro:

Xilli ay Sergio Ramos iyo Karim Benzema helaan amaanta ugu badan ee bogaga kala duwan ee wargaysyada hadana Xiddiga ugu muhiimsan Kooxda Real Madrid ayaa ah xiddiga khadka dhexe ee Casemiro.

Casemiro ayaa ah xiddiga kulamada ugu badan u ciyaaray Real Madrid xilli ciyaareedkan isaga oo door muhiim ah ka ciyaaray in kooxdiisa kaliya laga dhaliyo 22 gool 26 kulan oo La Liga ah.

Casemiro ayaan kaliya difaacin khadka dhexe ee kooxdiisa laakiin waxa uu sidoo kale masuul ka yahay caawinta iyo dhalinta goolal muhiim ah oo ay Real Madrid dhalisay.

2) Joshua Kimmich:

Xiddiga reer Germany ayaa ah xiddig ku fiican laba boos kuwaas oo kala ah daafaca Midig iyo waliba khadka dhexe ee daafaca waana xiddig laf dhabar u ah Bayern.

Xiddiga ayaa inta badan ka ciyaara daafaca Midig ee garabka laakiin waxa loo badalay khadka dhexe ee daafaca tan ilaa markii uu xiddiga Benjamin Pavard ku soo biiray kooxda.

3) Thomas Partey:

Partey ayaa la dhabar ka ah xilli ciyaareedka Atletico Madrid isaga oo kooxda Atletico ka caawiyay in ay dib ugu soo laabato kaalmaha champions League.

Markii hore waxa booskaas ka ciyaarayay xiddigaha Gabi Fernandez & Rodri laakiin Partey ayaa haatan la wareegay masuuliyadaas waana xiddig si cajiib ah u muujiyay awoodiisa.

4) Fabinho

Xiddiga reer Brazil ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican khadka dhexe ee daafaca inkasta oo uu markii hore xirfadiisa ka bilaabay garabka daafca markii uu joogay Monaco.

Xiddiga khadka dhexe ee Fabinho Ayaa caan ku ah goolasha gantaalada ah iyo waliba in uu sameeyo caawino cajiib ah sida uu sameeyay intii uu joogay kooxda Liverpool.

5) Rodri:

Xiddiga reer Spain ayaa loo arkaa badalka mustaqbalka fog ee Sergio Busquets ee xulka qaranka Spain waxana uu ka mid yahay xiddigaha ugu fiican khadka dhexe ee daafaca ee premier League.

Guardiola ayaa Rodri u keenay in uu noqdo badalka Fernandinho waxana uu haatanba muujiyay in uu yahay xiddig ka soo bixi kara masuuliyadaas xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee premier League.

6) N’Golo Kante:

Xilli si weyn loo hadal hayay Riyad Mahrez iyo Jamie Vardy saandkii 2016 markii Leicester City ku guulaystay horyaalka premier League Kante ayaa ahaa xiddiga ugu muhiimsan kooxda.

xiddiga reer France ayaa ku soo biiray chelsea isla markiiba kula guulaystay prmeier League waxana uu kadib xulka qaranka France kula guulaystay koobka adduunka waxana lagu qiimeeyaa Xiddigaha ugu fiican adduunka booskiisa.

7) Sergio Busquets:

Xiddiga khadka dhexe ayaa ku jira da’diisa 32-aad laakiin xiddiga ayaa wali u muuqda mid aanu qaab ciyaareedkiisu hoos u dhicin isaga oo soo bandhiga heer fiican.

xiddiga ayaa kooxda Barcelona si joogto ah ugu ciyaarayay tan ilaa 2008 waxana uu kooxda kula guulaystay 8 horyaal iyo 3 champions League waxana uu sidoo kale laf dhabar ka yahay xulka qaranka Spain.

8) Nemanja Matic:

Matic ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Man City iyo chelsea tan ilaa markii uu England dib ugu soo laabtay sanadkii 2014.

Xiddiga reer Serbia ayaa lagu amaanaa maskax badnidiidsa iyo waliba feejignaantiisa marka uu ilaalinaya xiddigaha daafaca ee ka dambeeya waxana uu leeyahay awood jir ahaaneed oo cajiib ah.

9) Axel Witsel

Xiddiga reer Belguim ayaa jira 31 sano laakiin waxa uu ka mid yahay xiddigaha ugu fiican khadka dhexe ee daafaca ee ugu fiican yurub.

Xiddiga ayaa xrfadiisa ugu qaaday heer kale markii uu ku biiray Dortmund isaga oo ka soo ciyaaray kooxaha Standard Liege, Benfica, Zenit Saint Petersburg & Tianjin Quanjian.

10) Fernandinho

Xiddiga reer Brazil ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah tan ilaa markii uu Man City ku soo biiray sanadkii 2013.

Sida xiddigaha kor ku xusan xiddigan ayaa awood u leh in uu ka ciyaaro khadka dhexe ee daafaca iyo waliba daafaca dhexe sida dhacday marar badan waxana uu haatan yahay 35 laakiin uma muuqdo mid hoos uu u dhacay qaab ciyaareedkiisu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*