WARBIXIN:10-ka Saxiix Ee Ugu Fiican Taariikhda Arsenal

Arsenal ayaa sameysay saxiixyo waa weyn taariikhdooda, gaar ahaan marxaladihii hore ee waayihii Premier League.

Arsene Wenger ayaa dib u habeeyay kooxda waxana uu dhamaystiray saxiixyo fiican intii uu hogaaminayay kooxda.

Waqtiyadi ugu dambeeyay, Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ahaa xiddiga ugu fiican ee kooxda ku soo biiray isaga oo muhiimadiisa u muujiyay kooxda si joogto ah.

Xiddiga ayaa kooxda Arsenal ku hogaamiyay ku guulaysiga FA Cup-ka kadib markii uu laba u kala dhigay chelsea guul 2/1 ah oo ay ku guulaysteen koobka.

Inkasta oo uu wacdaro dhigay Gunners-na kula guulaystay FA Cup-ka hadana xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang Ayaan ku soo bixin 10-ka saxiix ee ugu fiican taariikhda Arsenal.

Hadaba wargayska Star Sport ayaa soo saaray 10-ka saxiix ee ugu fiican taariikda kooxda Arsenal.

1 – Thierry Henry – Juventus, £10.5m (1999):

Shaki la’aan waa saxiixii ugu fiicnaa ee Wakhtigii Arssene Wenger isaga oo kooxda u dhaliyay 228 gool markii uu ka tagayay sanadkii 2007.

Markii uu xiddiga reer France yimid Arsenal waxa uu jiray 21 sano waxana uu ahaa xiddig aad loo qiimeeyo laakiin aan soo bandhigin awoodiisa laakiin waxa uu heer kale ku galay ka hoos shaqaynta Arsene Wenger waxana uu kooxda kula guulaystay 2 premier League sidoo kale la aaday Final-ka champions League.

2 – Ian Wright – Crystal Palace, £2.5m (1991):

Cid walba kuma qanacsanayn markii ay Arsenal la soo saxiixatay Wright laakiin waxa uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay Guuners.

Wright ayaa Gunners ku soo qaatay 7 sano oo uu ku dhaliyay 185 gool 288 kulan isaga oo noqday xiddiga ugu goolasha badan ka hor inta uuna Henry soo bixin sanado yar kadib.

3 – Dennis Bergkamp – Inter, £7.5m (1995):

Bergkamp ayaa noqday xiddiga ugu qaalisan kooxda waxana jira wal-wal laga qabay in uu xiddiga reer Holland ku soo bixi doono waxa laga filayo.

Laakiin Bergkamp ayaa muujiyay in uu u qalmay lacagtii laga soo bixiyay isaga oo dhaliyay 100 gool kooxdana kula guulaystay 10 goolintii uu joogay.

4 – Patrick Vieira – Milan, £3.5m (1996)

5 – Cesc Fabregas – Barcelona, £1m (2003):

6 – Robert Pires – Marseille, £6m (2000)

7 – David Seaman – QPR, £1.3m (1990)

8 – Sol Campbell – Free transfer (2001)

9 – Robin van Persie – Feyenoord, £3m (2004)

10 – Freddie Ljungberg – Halmstads BK, £3m (1998).

Sii Akhriso: Safirka Shiinaha Ee Soomaaliya Oo Soo Gaadhay Somaliland

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*