WARBIXIN: Xulalka Ku Guulaystay Tirada Ugu Badan Ee Abaalmarinta Ballon d’Or-ka

Abaalmarinta Ballon d’Or-ka waa mid ka mid ah abaalmarinaha ugu qaalisan ee ay u dagalaamaan xiddigaha kuda cagta sanad walb.

Waa abaalmarin la bixiso sanad walba laguna qiimeeyo qaab ciyaareedka xiddigaha xilli ciyaareed gudihiis.

Waxa aan horay u soo bandhignay warbixin aan ku soo bandhignay kooxaha tirada ugu badan ku guulaystay abaamiarnta xiddiga ugu fiican adduunka.

Haatan waxa aan eegi doonaa xulalka ku guulaystay tirada ugu badan abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or-ka

Xulalka Germany, Netherland, Portugal iyo Argentina ayaa ah xulalka tirada ugu badan ku guulaystay abaalmarinta iyada oo xulka Germany ku guulaysteen 5 xiddig halka xulalka Netherlands ii Portugal ku guulaysteen min 3 xiddig.

Xulka Argentine waxa ku guulaystay hal xiddig kaas oo ah xiddiga Lionel Messi kaas oo sanadihii ugu dambeeyay macmiil ka dhigtay abaalmarinta.

Halkan Hoose sawirka kaga bogo xulalka tirada ugu badan ku guulaystay abaalmarinta Ballon d’Or-ka

Image