WARBIXIN: Xiddigo Ka Tagi Kara Arsenal Hadii Ayna Arsenal Ku Guulaysan Koobab.

Arsenal ayaa mar kale ku dhameysan karta xilli ciyaareedka koob la’aan iyadoo Liverpool ay u muuqato inay tahay kooxda ugu cad-cad si ay u xaqiijiso hanashada horyaalka Premier League.

Gunners ayaa labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay u tartantay premier League xilli ciyaareedkan ayaana ka dhigan isku daygii seddexaad. Taageerayaasha ayaa rajo ka qaba in waqtigan uu ka duwanaan doono, laakiin weli waxaa jira wax badan oo la go’aamin doono. Si kastaba ha ahaatee, haddii Arsenal ay ku guuldareysato inay xaqiijiso koobab xilli ciyaareedkan, waxaa jiri kara cawaaqib xumo.

Mid ka mid ah walaacyada ugu weyn ee dhanka Mikel Arteta ayaa ah suurtagalnimada in lumiyo ciyaartoy muhiim ah.

William Saliba waa mid ka mid ah ciyaartoyda laga yaabo inay dhaqaaqaan. Daafaca reer France ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxda Arsenal, mana ahan wax qarsoon in Real Madrid ay xiiso u qabto saxiixiisa.

Hadii ayna Arsenal ku Guulaysan premier league xilli ciyaareedkan Saliba waxa laga yaabaa inuu u dhaqaaqo kooxda reer Spain habka ugu fiican ee uu ku fulin karo hamigiisa. Sida laga soo xigtay Marca, Real Madrid ayaa si dhow ula socota xaaladiisa.

Ciyaaryahanka kale ee laga yaabo in la iibsaeo waa Ben White. Daafaca ayaa u soo baxay mid ka mid ah kuwa ugu fiican England waxana uu wali fure u yahay dhabarka dambe ee Arsenal. Si kastaba ha ahaatee hadii ayna kooxdu lahayn hami ku Guulaysiga koobabka xiddiga ayaa isaga Tagi doona kooxda Kuna biiri doona kooxaha ku tartamaya koobabka.

Martin Odegaard, kabtanka Arsenal, ayaa sidoo kale wajahaya go’aan muhiim ah. Xirashada calaamadda naadi taariikhiga ah waa sharaf weyn, laakiin Odegaard ayaa shaki la’aan raba inuu koobab waaweyn ku guulaysto Haddii Arsenal ay sii socoto hoos u dhaca, kubadsameeyaha reer Norway ayaa laga yaabaa inuu dareemo in fursada uu ku qaadi karo koobab ay ku xoogan tahay meelo kale.

Gabriel Martinelli waa ciyaaryahan kale oo laga yaabo inuu dareemo baahida isbeddelka. Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee reer Brazil ayaa weerar muhiim ah u ahaa Arsenal, laakiin mar uun, waxa uu doonayaa in dadaalkiisa lagu abaalmariyo koobab. Haddii Arsenal aysan bixin karin taas, kala iibsiga xagaaga wuxuu noqon karaa doorasho soo jiidasho leh.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga