WARBIXIN: Xiddigo Daafac Ka Ciyaara Oo Ka Goolal Badan Lionel Messi.

Xiddiga kooxda PSG ee Lionel Messi ayaa ku bilowday si xun wakhtigiisa kooxda PSG isaga oo aan dhalin goolal badan kulamada uu ilaa haatan u ciyaaray kooxda reer France.

Messi ayaa qaab xor ah ugu soo biiray PSG xagaagii waxana uu kaliya u dhaliyay kooxda kaliya hal gool tartamada oo dhan tan ilaa markii uu yimid kooxda reer France.

Waxa Lionel Messi ka goolal badan xiddigo daafaca ka ciyaara ama sidoo kale ka ciyaara khadka dhexe ee daafaca xilli ciyaareedkan 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub.

Xiddiga kooxda PSG ee Lionel Messi waxa ka goolal badan ilaa haatan xilli ciyaareedka 6 xiddig oo ka ciyaara daafaca ama sidoo kale ka ciyaara khadka dhexe ee daafaca.

Xiddigaha Achraf Hakimi (3) Joshua Kimmich (3), Raphale Guerreriro (3), Kalidou Koulibaly (2), Manuel Locatelli (2) Iyo Sergi Roberto (2) ayaa Lionel Messi ka goolal badan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*