WARBIXIN: Xiddigihii Laga Reebay Liiska U Tartamayaasha Abaalmarinta Ballon D’Or-ka

Inkasta oo ay 30-ka xiddig ee ugu fiican ay u tartami doonaan abaalmarinta ugu qaalisan ee Ballon D’Or-ka sanadka 2021 hadana waxa jira xiddigo ka maqan oo aan ku soo bixin liiska.

Waxa ay 2 sano ka soo wareegtay markii ugu dambaysay ee la bixiyay abaalmarinta Ballon d’Or kadib markii loo joojiyay abaalmarinta sabab la xidhiidha xanuunka Koroan.

Laakiin haatan waxa aan ku dhawnahay in aan ogaano xiddiga ku guulaysan doona abaalmarinta ugu weyn abaalmarinaha shaqsiga ah.

Hadaba warbixintan waxan aan ku soo bandhigi doonaa xiddigaha laga reebay Abaalmarinta Ballon d’Or-ka sanadkan.

Federico Chiesa (Juventus):

Xiddiga garabka ciyaara ee reer Italy ayaa u qalmay in uu u tartamo abaalmarinta marka loo eego in uu ku guulaysto koobabka Euro 2020, Coppa Italia & Supercoppa Italiana waxana uu dhaliyay 17 gool halka uu sameeyay 7 caawin.

Jan Oblak (Atletico Madrid)

Goolhayahan ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkan waxana uu kooxda Atletico Madrid kula guulaystay horyaalka La Liga waxana si lama filaan ah looga reebay Liiska xiddigaha u tartami doona abaalmarinta.

Thomas Muller (Bayern Munich)

Xiddigan ayaa ka mid ah xiddigaha qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay sanadkan isaga oo dhaliyay 11 gool 21 kalena caawiye ka noqday waxana uu kooxdiisa kula guulaystay Bundesliga, Club World Cup & DFL-Supercup.

Achraf Hakimi (Paris Saint-Germain)

Xiddiga Achraf Hakimi ayaa dhaliyay 8 gool 8 kalena caawiye ka noqday waxana uu Inter Milan kula guulaystay horyaalka Serie A-da waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah sanadka.

Jadon Sancho (Manchester United)

Xiddiga reer England ayaa dhaliyay 12 gool 12 kalena caawiye ka noqday sanadkii waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah taas oo uu ku mutaystay in uu xagaagii ugu soo biiro Man United.

Sii Akhriso: Ma Dhacday In Gacalisadaadu Ku Siiso Jawaabo Gaagaaban, Ma Is Waydiinaysaa Sababta Ay Sidaas U Samaynayso, Halkan Kaga Bogo Warbixinta Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*