WARBIXIN: Xiddigaha Sida Xorta Ah Uga Tagay Kooxohooda Suuqa Xagaagan.

Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa si rasmi ah u furmay bilowgii Bishan July xiddigo badan ayuuna dhacay heshiisyadii ay kula jireen kooxdooda.

Xiddigo badan ayaa haatan xor ah in ay bilowdaan xirfad cusub oo ay ka bilaabayaan kooxaha kale.

Warbixintan waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa magacyada waaweyn ee xorta uga tagay kooxohooda suuqa xagaaga.

Raphael Varane (Man United -> bilaa koox)

Raphael Varane waxa uu ahaa ciyaaryahan cajiib ah markii uu taamka u ahaa in uu u ciyaaro Man United laakiin dhibaatooyin dhaawac ayaa hadheeyay wakhtigiisii Old Trafford.

Xiddigii hore ee Real Madrid ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo kooxda dhawaan soo dalacday Seria A ee Como, taas oo uu Fabregas inuu yahay macalinkooda haatan.

Thiago Silva (Chelsea -> Fluminense):

Thiago Silva ayaa la filayay inuu beeca xorta ah kaga tago Chelsea xagaagii hore, laakiin waxa uu doortay inuu u saxeexo heshiis kordhin hal sanno ah si uu ugu sii joogo Blues ilaa 2024ka.

Waxaa jiray hadal heshis kale oo dheeri ah, si kastaba ha ahaatee xiddiga reer Brazil ayaa doortay in uu isaga tago kooxda waxana uu ku laabtay kooxdiisii hore ee Fluminense.

Memphis Depay (Atletico Madrid -> bilaa koox):

Memphis Depay u soo ciyaaray kooxo badan oo yurub ah xirfadiisa ciyaareed waxana uu u soo ciyaaray kooxaha PSV Eindhoven, Man Utd, Lyon, Barcelona iyo Atletico Madrid intii uu ku guda jiray xirfadiisa ciyaareed.

Xiddiga reer Netherlands ayaa mar kale ku biiri doona koox kale kadib markii uu dhacay heshiiskiisa Atletico Madrid.

Thiago Alcantara (Liverpool -> bilaa koox):

Shan daqiiqo oo uu ka horyimid Arsenal bishii February ayaa ahayd markii kaliya ee Thiago Alcantara uu soo galay garoonka intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2023-24, iyadoo ninka Liverpool uu awoodi waayay inuu ka takhaluso arrimo badan oo dhaawacyo ah.

Sergio Ramos (Sevilla -> Bilaa koox):

Sergio Ramos ayaa dib ugu biiray Sevilla bishii Sebtembar 2023, laakiin waayihiisii ​​kooxda reer Spain ayaa durba soo dhamaaday ka dib markii uu dhacay heshiiskiisa.

Anthony Martial (Man Utd -> bilaa Koox):

Ka dib markii uu muujiyay balanqaadyo badan sanadihii hore ee xirfadiisa Man Utd, Anthony Martial waqtigiisii ​​Old Trafford si weyn ayuu u fashilmay isaga oo ku dhibaatooday dhaawacyo ilaa intii uu ka tagay kooxda.

Adrien Rabiot (Juventus -> Bilaa Koox):

Adrien Rabiot ayaa caado ka dhigtay in uu hal sano oo heshiis kordhin ah u saxiixo Juventus, sidaas darteed inkasta oo uu haatan heshiiskiisu dhacayo haddana xiddiga heerka caalami ee dalka France ayaa laga yaabaa in uu sii joogo Turin 12 bilood oo dheeraad ah.

Haddii uu baxo, kooxaha Yurub ayaa xiiseyn doona, iyadoo Man Utd iyo Real Madrid ay labaduba isha ku hayaan xaaladiisa, sida ay wararku sheegayaan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga